Madaxtooyada dalka Yemen oo la qabsaday.
Posted by abdi on September 21 2014 23:16:35

Malleeshiyada kooxda Xuutiga ee dagaalka kula jira dowladda Yemen ayaa maanta oo Axad ah qabsaday xarunta looga taliyo dalkaas ee Sanca.


Extended News

Malleeshiyada kooxda Xuutiga ee dagaalka kula jira dowladda Yemen ayaa maanta oo Axad ah qabsaday xarunta looga taliyo dalkaas ee Sanca, taasoo keentay ra’iisul waasarihii dalkaas, Maxamed Saalim Basindawa uu xilka iska-casilo.

 

Qabsashada xarunta madaxtooyada iyo xarumo kale oo magaalada Sanca ku yaalla ayaa ku soo beegmaya xilli ergayga Qaramada Midoobay ee Yemen uu ku baaqday in dowladda iyo kooxda mucaaradka ah ee Xuutiga ay gaaraan heshiis ay ku wadaagayaan awoodda.

Ra’iisul wasaaraha xilka ka dagay, Basindawa ayaa madaxweynaha dalkaas C/lla Mansuur Hadi inuu yahay kaligii-taliye. Dagaalladan oo Yemen ka socda muddo toddodbaad ah ayaa waxaa ku dhinteen 140-qof, kumannaan dad ahna ay barakiciyeen.

Wakaaladda wararka Yemen ayaa baahisay is-casilaadda ra’iisul wasaarihii dalkaas, laakiin ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay ka bixisay tallaabada is-casilaadda ah ee maanta uu ku dhaqaaqay Basindawa.

Sidoo kale, Maxamed C/salaam oo ah afhayeenka Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay kooxdan oo loo yaqaan Ansaarullaah inay qabsatay madaxtooyada Yemen oo  bartamaha magaalada ku taalla, isagoo intaas ku daray inay sidoo kale qabsadeen xeryo ciidan iyo xarumo kale.

Dagaalka ay kooxdan ku qabsatay xaruntii dalkaas ayaa saakay ka billowday waqooyiga magaalada Sanca, isagoo soo galay gudaha magaalada, iyadoo la sheegayo in magaalada Sanca uu ka billowday inay shacabku ka qaxaan.

Kooxaha Shiicada ah ee dagaalka kula jira dowladda Yemen ayaa weli kula dagaalamaya bartamaha magaalada Sanca ciidamada dowladda iyo kooxo taageersan, iyadoo wararku ay sheegaayan in mucaaradku ay inta badan magaalada gacanta ku dhigeen.

Madaxweynaha Yemen, Cabdalla Hadi ayaa ku eedeeyay mucaaradka inuu qorshahoodu yahay inay afgabiyaan dowladdiisa, balse uu heshiis kula galay mucaaradka inuu dhiso xukuumad cusub, isagoo xusay inuu wax ka bedeli doono maamulka aan la jeclaysan sida sare u qaadidda qiimaha shidaalka.

Kooxahan mucaaradka ah ayaa horay u dalbaday inay doonayaan in laga siiyo xukuumadda jagooyin sar-sare, ayna siyaasadda dalkaas qayb weyn ku lahaadaan, taasoo ay diideen madaxda Yemen.

Dagaallada u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda Yemen ayaa waxaa maalin keliya lagu dilay 40 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo dagaalka ka socda Sanca uu sababay in la xiro suuqa ugu weyn dalkaas oo lagu magacaabo, Cali Muxsin.

Hargeysa Online.Net