Gudoomiye Ku Xigeenka WADDANI Oo Xalay La Weeraray.
Posted by abdi on September 22 2014 08:14:05

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Gobolka Awdal. 


Extended News

Boorama(Hargeysa Online)Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa xalay weerar culus oo gurigiisa waxyaale ka soo gaadhay lagu qaaday.

sida uu noo sheegay gudoomiyuhu mar wariyayaashu ku booqdeen gurigiisa waxa uuna noo sheegay isaga oo arinkaas ka hadlaya,”Habeenadii ugu danbeeyay oo ay xalay ugu darnayd waxaa la igu soo qaaday weerar u ee kaa mid abaabulan,waxa ayna dadka weerarka soo qaaday adeegsanayeen,dhagxaan,Budad Iyo Saafaf kuwaas oo albaabkii guriga laga soo galayay gabi ahaan burburiyay.

Gudoomiye Seed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi” Markii Falkaasi dhacayay waxaan xidhiidh la sameeyay taliyayaasha saldhigyada Barriga iyo Galbeedka Boorama kaas oo aan ka codsaday inay gurmad ciidan ila soo gaadhaan,waxaase ay iigu jawaabeen in aysan ciidan hayn ay u soo diraan.

Ugu Danbayn Gudoomiye Seed ayaa sheegay in barqadii maanta ciidan aad u hubaysan la soo duldhigay gurigiisa ayna kaxaysteen oo ay xabsiga u taxaabeen xaaskaygii oo xiligaas joogtay kaas oo uu sheegay in uu xiligii xaaskiisa la xidhayay uu goob joog u ahaa ciidankana waydiiyay sababta xaaskiisa loo xidhayo kaas oo aysan wax jawaab ah ka siin.

Dhanka kale xidhiidho aan la samaynay taliyayaasha ay arintani khusayso ayaanan noo suuragalin taninga waxa ay ku soo beegmaysaa xili raxan wasiiro ah oo ka soo jeeda Goboladni joogaan magaalada Boorama taas oo dareeno kala duwan ku dhalisay.

Dadka odorosa siyaasada iyo fadhikudiriryada,waana fal noociisa oo kale ah oo qof mas’uul ah lagu sameeyo taasoo ka cadhaysiisay dadwayne iyo taageerayaal badan oo taageersan Gudoomiye Seed.

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Office-Somaliland