Masuuliyiinta Xukumada oo Xal Ka Gaadhay Xiisaddii Gabiley.
Posted by ifraax on September 23 2014 16:43:43

Kulamo Waxgaradka Gabiley iyo Wefti Wasiiro ah dhex maray ayaa ku dhamaaday in si wada jir ah loo tacsiyadeeyo cidii wax ku noqotay.


Extended News

Kulamo Waxgaradka Gabiley iyo Wefti Wasiiro ah dhex maray ayaa ku dhamaaday in si wada jir ah loo tacsiyadeeyo cidii wax ku noqotay Shaqaaqada Gabiley iyo Dilkii Saraakiisha.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Weftiga waxaan Halkan tacsi uga diraynaa Dadkii Shaqaadada wax ku noqday,kuwa dhaawaca ah iyo kuwa ku dhintay, haddii ay yihiin kuwa Gabiley ku dhintay iyo Sarkaashii Qorilugud ku dhintayba.waxaanu ballan qaadaynaa sidii gacan ku dhiiglaha loo soo qaban lahaa meel kasta oo uu tago” ayuu yidhi wasiir Warancadde oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo Xalay ay wada jir u qabteen Waxgaradka Gabiley iyo Wasiiradu.

Wasiir warancadde oo ka hadlaya Xiisadii maalmihii u dambeeyay Gabiley ka taagnaa waxa uu sheegay in la soo afjaray “Hawlihii kale ee gobolkuna si wanaagsan ayay u dhamaadeen,wixii kale ee xaal-xaal ahna si dhakhso ah ayaanu u dhamaynaynaa Insha Allah laakiin waxaan umadda Somaliland ugu Bushaaraynaynaa in arintaas la soo afjaray, anagoo uga mahadnaqayna Madaxdhaqameedka”

Dhanka kale Madaxdhaqameedka ayaa sheegay inay soo afjareen Xiisadii gabiley ka taagnayd islamarkaana Xukumadda iyo Madaxdhaqameedka Gobolku heshiiyeen “Waxaanu Shirkan Jaraa’id u qabanay inaanu Madaxdhaqameed ahaa, Masuuliyiin ahaa iyo Xukumad ahaanab si wada jir ah u Tacsiyadayno Dadkii ka baxay Gabiley, kuwii Gabiley ku dhintay iyo kuwii Qorilugud ku dhintayba Illaahay Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo iyagana Jannadiisa ha ka waraabiyo.

Waxaanu doonaynaa inaanu Umadda Somaliland gaar ahaana Reer Gabiley u Iclaamino in Wixii khilaafaad ah ee Cadowgu doonayay inuu ka faa’iidaysto uu dhamaaday,Reer Gabiley iyo Xukumaddooduna heshiiyeen Sida aad ku arkaysaan halkana madaxdhaqameedka Gabiley, SIyaasiyiintii Gabiley ay xaadir ku yihiin, waxa kale oo goob joog ah Masuuliyiintii kale ee Qaranka” ayaa ka mid ahaa hadalka Madaxdhaqameedka.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.