Kenya oo sheegay in Ciidankeedu ay sii Joogayaan Soomaaliya.
Posted by ifraax on September 23 2014 16:57:33

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkaas ee KDF ee qaybta ka ah AMISOM ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya.


Extended News

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkaas ee KDF ee qaybta ka ah AMISOM ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, illaa inta laga xaqiijinayo amniga guud ee Soomaaliya. Uhuru Kenyatta ayaa warkan kusoo beegay xilli ay shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ha ee dalkaas ay ka dalbadeen xukuumadda inay ciidamada Kenya kasoo saarto Soomaaliya si ay u yaraadaan weerarrada ay Al-shabaab ka geysnayso dalkooda. “Ciidamadeennu way sii joogayaan Somalia, waxayna caawinayaan dadka Soomaaliyeed si ay dhulkooda nabad uga dhigtaan, taasoo ku xiran nabad ka dhalata gobolka oo dhan,” ayuu yiri Kenyatta. Sidoo kale, Kenyatta wuxuu ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ku tilmaamay geesiyaal naftooyada u huraya sidii ay walaalahood u caawin lahaayeen, isla markaana ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab. “Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno dagaalka aan kula jirto argagaxisada, si gobolka oo dhan amni looga dhigo, ciidamadeenna qaybta ka ah AMISOM waxaan ku tilmaami karaa geesiyaal,” ayuu yiri Kenyatta. Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya sannad kaddib markii weerar lagu qaaday xarunta Westgate Mall ee Nairobi, halkaasoo lagu dilay dad ka badan 70-qof, balse weli shacabka Kenya waxay is-weydiinayaan weerarkaa kaddib maxaa iska bedelay amniga Kenya. Shacabka Kenya ayaa waxay dhawaan dalbadeen in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, iyadoo mucaaradkuna ay dalabkan oo keliya xukuumada u gudbiyeen, inkastoo madaxda Kenya ay diiddan yihiin inay ciidamadaooda kasoo saaraan Soomaaliya. Al-shabaab ayaa horay iyaduna uga dalbaday xukuumadda Kenya inay kala baxdo ciidamadeeda gudaha Soomaaliya haddii ay doonayso in dalkeeda uu ka nabadgalo weerarrada ay ka geysanayso.

Hargeysa Online