Kala iibsiga Maxaabiista oo si xooli ah uga socda Muqdisho.
Posted by ifraax on September 24 2014 17:09:13

Maxamed Nuur Afweyne oo kamid ahaa Maxaabiistii ku xidhneyd Xabsiga dhexe ee Dowlada Federaalka ee Xamar.


Extended News

Maxamed Nuur Afweyne oo kamid ahaa Maxaabiistii ku xidhneyd Xabsiga dhexe ee Dowlada Federaalka ee Xamar, ayaa  xaqiijiyay in Xabsiga uu ka socdo ganacsi lagu kala iibsanayo maxaabiista u xidhan danbiyada.

Waxa uu sheegay in isaga uu xidhnaa muddo Sanad ah, islamarkaana lagu soo daayay lacag dhan $800 dollar-ka mareykanka ah. Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yidhi ‘’Meesha xabsi kuma yaallo ee waxaa ku yaalla dukaan ganacsi oo lagu kala iibsanaayo Maxaabiista, aniga waxa ay igu wargaliyeen inaysan isii deyn doonin haddii aan bixin lacag dhan $1,000 wan u sheegay inaan heysan lacag, waxa ay igu dhaheen waligaa ayaa xidhnaan doontaa, dadaal dheer kadib waxa ay iga qaateen 800 oo dollar’’ Waxa uu intaa kusii daray Maxamed Nuur Afweyne ‘’Anagoo dhan 17-ruux ayaa nalaga qaatay lacag la sheegay in nalagu deyn doono, waa nasiib daro in dadka leyska soo xidho laguna siidaayo lacag, dadku maahan xoolo ee waa bani’aadam’’ Sidoo kale, Maxamed Nuur Afweyne waxa uu meesha ka saaray inay jirto cadaalad iyo xisaabtan, waxa uuna Tilmaamay in muwaadinka ay ka wanaagsan tahay lacagta.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inay wax ka bedesho musuq-maasuqa ay wadaan Taliyayaasha Xabsiyada.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.