Madaxweyne Siilaanyo oo Sameyey Ciidanka Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka.
Posted by ifraax on September 27 2014 23:00:42

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray.


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.
Sidaasi waxa Laggu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada.
Waxanu u dhignaa Siddan. “WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.
 
Madaxweynuhu


Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda      Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;
 
Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee    Ciidammada Qaranka;   
 
Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011
 
Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda          Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay      mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.
 
Markuu Tixraacay:                Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka        debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo        ilaalintiisa;
 
Markuu Garawsaday:           Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;   
 
Wuxuu Go’aamiyey
 
Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 
 
ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.