Maxkamadda Ciidanka Qaranka oo bilowday Dacwada askartii fududaysay inay maxaabiista.
Posted by ifraax on September 27 2014 23:09:51

Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland darajadeeda koowaad ayaa manta bilowday dhagaysiga Dacwada loo haysto dhawr iyo toban askari.


Extended News

Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland darajadeeda koowaad ayaa manta bilowday dhagaysiga Dacwada loo haysto dhawr iyo toban askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland, kuwaas oo ku Eedaysan inay ka qayb qaateen hawl fududaynta maxaabiistii argagixisada u xidhnayd ee ka baxsatay duhurka cad Xabsiga dhexe ee Hargeysa.
jeelkaDhagaysiga Dacwadan oo fadhigeedii koowaad manta lagu dhagaystay Eedaha loo haysto askartan oo isugu jirta saraakiil iyo askartii lahayd hawl-maalmeedkii shaqo ee maalinta ay baxsadeen maxaabiista ayaa la sheegayaa inay muddo soo socotay baadhisteedu, isla markaana soo dhamaatay, taasoo sababtay in manta la guda galo.
Askarta ka tirsan Ciidan asluubta ayaa lagu Eedaynayaa inay ku gacan siiyeen isla markaana u fududeeyeen maxaabiista inay Hub ugu geeyaan qolalka, isla markaana ka furaan albaabada qaybta ay ku jireen, taasoo sahashay inay dibeda uga baxaan Jeelka, ka hor intii aanay Dadweynuhu soo qaban oo aanay ka gacansiin soo qabashadooda.
Maxaabiista baxsatay ee lagu Eedaynayo askartan ayaa dilay qaar ka mid ah isla askartii Ciidanka Asluubta ee xabsiga ilaalinaysay, kuwaas oo u muuqday inaanay ka war hayn baxsashadooda, halka qaarkoodna ay dhaawacyo ka soo gaadheen.
Maxaabiisya baxsatay ee la soo qabtay oo qaarkood Dil ku xukunaayeen, qaarkoodna xabsiyo kala duwan ayaan la garanayn in danbiga danbe ee ay galeen lagu qaaday iyo inkale, maadaama shuruucda xabsiyadu ay dhigayaan in haddii danbi lagu galo xabsiga ciqaab ka adag tii hore dusha laga saarayo.

 

HargeysaOnline.Net