Wiil la dhashay orodyahan Mo Farah oo laga yaabo in laga tarxiilo dalka Britain.
Posted by abdi on September 28 2014 22:59:11

Axmed Faarax oo 25-sano jir ah oo ay walaalo yihiin orodyahanka Mo Faarax ayaa lagu wadaa in loo tarxiilo Somaliya.


Extended News

Axmed Faarax oo 25-sano jir ah oo ay walaalo yihiin orodyahanka Mo Faarax ayaa lagu wadaa in loo tarxiilo Somaliya ,iyado oo  sanadkii 2010-ka Axmed lagu soo qabtay xiisado ka dhacay  South Hall oo ku taalla galbeedka London ee caasimadda dalka Ingiriiska.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa muddo uu ku xirnaa xabsi lagu magacaabo Dungavel oo ku yaalla Lanarkshire oo isla London ka tirsan ,waxaana uu dowladda ka sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto kiiskiisa ka dib markii laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa horaanti bishan.
Axmed ayaa Biritin yimid 23-sano ka hor isaga iyo walaalkii ka weyn Mo Faarah ,iyado qorshaha dowladda ee dib loogu celinayo Ahmed Somaliya ay daabaceen qaar kamid ah wargaysyada ka soo baxa London.
Sidoo kale, qaar kamid ah qareenada difaaciyay Axmed ayaa sheegay in eedaymaha loo haysto uusan qayb-ka ahayn ,isla markaana aysan dowladdu xaq u lahayn in muwaadin dhalashada dalka haysta dib loogu celiyo dal aysan xasiloni fadhida ka jirin.
Ugu danbayntii walaalka la dhashay Axmed oo ah  orodyahan ayaa caan ka noqday gudaha Ingiriiska iyo caalamka oo idil mudoo gaaban gudaheed, waxaana uu marar badan ku guulaystay bilado qaali ah,isaga oo ordaya wadanka Biritin.

HargeysaOnline.Net