Wafdigii ka Socday Maamulka Khaatumo oo Gaaray Taleex.
Posted by abdi on September 28 2014 23:08:10

Wafti ka socda maamulka Khaatumo ayaa markii u horreysay gaaray degmada Taleex ee gobolka Sool oo maamulkan xarun u ahayd muddo haatan laga joogo saddex bilood.


Extended News

Wafti ka socda maamulka Khaatumo ayaa markii u horreysay gaaray degmada Taleex ee gobolka Sool oo maamulkan xarun u ahayd muddo haatan laga joogo saddex bilood, markaasoo ciidamada Somaliland ay ka qabsadeen.

Xubnaha wafdigan oo ka kooban wasiirro, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo waxgarad ka tirsan Khaatumo ayaa kasoo kicitimay deegeaanka Mudul-eerigo oo lixdameeyo mayl Koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ka tirsan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, halkaasoo ah halkii lagu caleemo-saaray Cali Khaliif Galeydh.

Wasiirka diinta, dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Khaatumo, Maxamed Cali Cartan oo horkacayay wafdiga ayaa Hargeysa Online u sheegay in safarkoodu ku wajahan yahay deegaanada ka baxsan gacanta Somaliland oo gobollada Sool iyo Sanaagba ka tirsan.

Sidoo kale, wafdigan ayaa deegaanadii ay soo mareen waxay shacabka ka dhaadhicinayeen hadafkood, hawsha hortaalla iyo waxa looga baahan yahay.

Degmada Taleex oo xarun KMG ah u ahayd maamulka Khaatumo ayaa wafdiga si weyn loogu soo dhaweeyay, waxayna bulshada degmadaas kula hadleen halka loo yaqaan Berde Khaatumo oo uu isku soo bax ka dhacay, iyagoo u sheegeen in ujeeddooyinkooda  socdaalkan ay ugu weyn tahay inay shacabka uga warramaan maamulkan iyo kii hore waxa u dhexeeya.

Wasiirka diinta ayaa sheegay in haatan loo gudbay wax-qabad loona baahan yahay in qof waliba uu qaybtiisa ka qaato, lagana soo gudbay KMG-kii uu ku jiray maamulkooda.

“Maamulkii hore dhulbahante iyo kaskii-qabe ayuu ku koobnaa, haddase waa mid ay beelo badan kusoo biireen oo ay ka mid yihiin Geri, Fiqishini iyo sidoo kale Gabooye,” ayuu yidhi wasiirku.

Safarkan ay xubnaha maamulka Khaatumo ku tageen degmada Taleex ayaa kusoo aadaya waqti ay markii afraad gogol wadahadal uga furmayso beelo ay colaad sanado soo taagnayd u dhexeysay oo la doonayo in la heshiisiiyo.

Waftigan ayaa waxay ku wajan yihiin dhul baaxad leh oo ay degen yihiin dad si weyn uga biyo-diiddan maamulka Khaatumo ee uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galaydh.

HargeysaOnline.Net