Dowlada Turkiga oo gargaar soo gaarsiisay Somalia.
Posted by ifraax on September 29 2014 16:58:40

Kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay.


Extended News

 

 

 

 

 

 

Kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay ku yeeshay dadka iyo duuniyada ayaa waxaa durba kasoo jawaabay baaq ay dowladdu caalamka u dirtay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga. Mar aanu booqannay dekedda Muqdisho ayaan kula kulanay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Bisha Cas ee dalka Turkiga, kuwaasoo ku mashquulsanaa dejinta markab aad u weyn oo ka yimid Turkiga, kaasoo siday gargaar loogu talo-galay dadka Soomaaliyeed. Shaqaalaha dekedda Muqdisho ayaa ku mashquulsanaa dajinta iyo raashinka gargaarka ah ee ka yimid dalka Turkiga oo ahayd mid aad u fara badan, ayna mas’uuliyiinta Bisha Cas ee Turkiga ay sheegeen in loogu talo-galay in la gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan kuwa ay ku ay abaaruhu sida xun u saameeyeen. Markabka ayaa siday 10,000 oo metric ton oo raashin ah kaal duwan, kuwaa oo isugu jiray sokor, bur iyo baasto. Mustafa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxaafadda kula hadlay dekedda ayaa xusay in howshan ay noqon doonto mid joogto ah, ayna diyaar u yihiin inay dalka soo gaarsiiyaan gargaar kale oo intan ka badan inta laga qafiifinayo abaaraha ku dhuftay Soomaliya, ayna diyaar u yihiin inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen. Dalka Turkiga ayaa wuxuu hormuud u yahay dalalka caawiya Soomaaliya, iyadoo markii ugu horreysay ay Turkigu howlo gargaar bixin ah ka billaabeen dalka Soomaaliya sannadkii 2011, markaasoo ay dalka ka dhacday abaar sababtay macluul daran.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.