Waa maxay dalooladu miyaan daymo qabanayn?
Posted by abdi on October 02 2014 10:25:13

Iyada oo ay shan cisho ka socotay diiwaangelintii madaniga ahayd ee dadku guud ahaanba dalka ayaa haddana waxa aad arkaysaa in aanay shacabka badankoodu.


Extended News

Iyada oo ay shan cisho ka socotay diiwaangelintii madaniga ahayd ee dadku guud ahaanba dalka ayaa haddana waxa aad arkaysaa in aanay shacabka badankoodu ka warqabin in ay bilaabantay diiwaangelintii, halka inta yare ee ogina aanay wax xog ah ka hayn qaabka la isku diiwaangelinayo iyo weliba shuruudaha looga baahan yahay qof kasta oo qaadanaya kaadhka aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka.Maaha markii koowaad ee aynu is diiwaangelino oo inaguma cusba, qof kastaana waa uu ogyahay in kaadhkan aqoonsi ee imika la qaadanayaa ka muhiimsan yahay kii aynu hore u qaadanay oo isagu ahaa mid ay cid waliba qaadatay, halka ay dadka qaarkoodna laba iyo in kabadan qaateen oo aan lagu sugi karayn tiradda dadka dalka iyo jinsiyadda muwaadiniinta waddanka u dhashay. Haddii aan tusaale u soo qaadano wakhtigii ay dalka ka qabsoomaysay diiwaangelintii hore; waxa lasii baahin jiray qaabka uu qofku isku diiwaangelinayo, waxaana warbaahinta qaybaheedda kala duwan lagu baahin jiray muhiimadda ay muwaadinka u leedahay qaadashadda kaadhku. Waxa sidoo kale lasoo saari jiray war qaaddo ay ku xardhan yihiin astaamo iyo muuqaalo kala duwan oo tilmaamayay sida ugu habboon ee ay tahay in uu qofku u qaato kaadhka iyo meelaha kala duwan ee uu marayo inta uu ku guddo jiro xayndaabka diiwaangelintu ka socoto. Guud ahaanba arrimahaasi waxa ay ahaayeen ogeysiin ka horayn jirtay wakhtiga ay bilaabmayso hawshu oo si rasmi ah loo shaacin jiray, dadkuna ay safafka sii gali jireen iyaga oo ka warqabba goobta diiwaangelineed ee ugu dhaw halka uu dagan yahay ama joogo markaas. Waynu ka dharagsanahay muhiimadda dhammaan waxyaabahaa aan halka sare kusoo sheegnay oo dhan, ogeysiiskuna maaha wax u gaar ah diiwaangelin ee waa mid aad ugu wanaagsan bilawga hawl kasta oo la rabo in la qabto hadday ahaan lahayd barnaamij ay dawladdi waddo iyo mid ay hay’addo kale oo gaar loo leeyahay wadaan intaba.Waxa kale oo kaadhadhkeenii hore iyo kaadhkii doorashadda lagu galayay ee aynu haysanay qof kasta ugu qornayd taariikhda uu dhashay oo isaga la waydiinayay, waxa se nasiib darro aad u weyn ahayd in qof walba loo raacinayay bil iyo maalin isku mid ah. Haddaba qof kasta oo arka kaadhkeenna waxa uu ku arkayay dad iskuwada maalin iyo bil dhashay oo wada dhashay waliba  kowda bisha koowaad 01/01. Layaab malaha oo aad ayay u yartahay dadka inta aqoonta u leh maalintii iyo bishii uu dhashay oo wada socda, gaar ahaan umaddeena soomaaliyeed oo aan lahayn diiwaan iyo warqaddo dhalasho waayadii hore ee dalku burburka ku jiray, walow aan filayo in imikaba ay sidii tahay oo aanay jirin meel laga qaato shahaaddo dhalasho.Anigu waxa aan is diiwaangeliyay maalintii Axada 28-9-2014, goor sheegtuna ahayd abbaaro ilaa 11kii subaxnimo. Markii aan galay qolkii agabku yaalay ee aan fadhiistay kursigii ayaa si kedis ah la ii waydiiyay nambarka caaqilkayaga, waxaana ay igu qaadatay in muddo ah in aan la hadlo aabahay oo aan waydiiyo tilifoonka caaqilka, taasi waxa ay keentay in aan ku jiro goobtii wakhti badan oo dad kale loogu shaqayn lahaa. Waxyaabaha kale ee aan aadka ula yaabay waxa ka mid ah markii la i su’aalay sannadkii aan dhashay ee aan sheegay bishii, maalintii iyo sannadkiiba ayaa aan su’aalay mid ka mid ah shaqaalihii goobta in ay sidii sannadkii hore isku wada mid yihiin bisha iyo maalintu iyo in qof kasta la waydiinayo oo ay kala gedisnaanayaan, waxaana uu iigu jawaabay anagaa buuxinayna intaa kale. Cajab! Waxa aad u wanaagsanaan lahayd in qofka la waydiiyo in uu garanayo labadaa, ka aan garanayna loogu qoro oo kaliya xilliga uu dhashay ama loogu buuxiyo maalin iyo bil si mug leh loo miisaamay si loo kala duwo isku mid ahaanshaha laga wada siman yahay ee marka uu eego qof aan ogeyn oo meel kale inagaga yimid ama ajaanib ahi uu u qaadanayo in uu yahay mid been abuur ah oo mid kaliya un laga minguuriyay.Dad badan ayaa aaminsan in faraha iyo indhaha la iska qaadayaa ay tahay hab lagu yaraynayo dhoofka oo ah mid ay wataan dawladdo shisheeye isla markaasna xogta qof walba loo gudbinayo waddamo kale. Halka dadka qaarkood ay u haystaan in caafimaadka uu dhaawac ku keenayo agabkan la saarayo faraha iyo indhuhuba. Qaar kalena ay ku sifaynayaan arrin la doonayo in ay doorashadu dib ugu dhacdo. Inkale oo ka mid ah dadka qaarna waxa ay ka bixinayaan dareeno kala duwan oo midba si ugu macneysanayo qalabka iyo qaabka hawsha diiwaangelinta. Isku wada daroo intuba waa xaqiiq in ay keentay fahan la’aan ay ka qabaan. Dhanka kalena waxa ay wadataa saameynteeda oo shakhsiga qalad fahansani waa hubaal in uu sida uu u haysto wax ugu sheegayo ka kale ee isagu wardoonka ah sidaana ku fidayo qaladkii ilaa inta uu helayo cid sida saxda ah wax ugu sheegta una cadaysa ujeedada iyo ahmiyada ay u leedahay qof kasta oo muwaadin ah qaadashada kaadhka aqoonsiga dhalasho ee muwaadinka.Diiwaangelintani waxa ay kuwii hore kaga duwan tahay isticmaalka internetka oo udub dhexaad u ah habsami usocodka hawsha. Waa talaabo aad u fiican in la helo internet fududeeya shaqada isla markaana isku xidha goobaha oo dhan; kaas oo sahlaya in si fudud loo ogaado qofka raba in uu laba jeer is diiwaangeliyo. Balse waxa haboon in la helo wax haddii uu internetku go’o lagu sii wado hawsha oo istaagaysa iyada oo aan damaanad loo haysan in uu marwalba joogayo.Cuqaal badan ayaa iyaguna ku hawlan sidii ay u sugi lahaayeen caddaynta qabiil ee muwaadinka kaadhka la siinayo iyaga oo su’aalaya qof kasta in uu sheego magaca caaqilkiisa si ay u aqoonsadaan cidda uu yahay qofku. Mar hadday tahay diiwaangelin madani ah oo micnaha ka dambeeya ee loo sameynayaa ay tahay in lagu kala sooco muwaadinka dalka iyo ajaanibka jooga, waa talaabo sax ah in la helo caaqilo kala saara labadooda, laakiin waxa caqabad ah qof kasta abkuu doono ha yeeshee waa hubaal in aanuu caaqilkiisa goobta ka helayn, sababta oo ah goob walba waxa fadhiya laba caaqil oo metelaya dhammaan caaqiladii kale oo dhan. Waxa se xaqiiqo ah in caaqilka jilib qabiil ka tirsani uu garan karo oo kaliya inta caaqil ee qabiilkooda guud halka mid midka dad yaqaanka ahna laga yaabo in uu aqoonsado kaliya qabiil ku dhaw oo ay deegaan wadaagaan. Haddaba dalka waa la wada dagaa, degmooyinka iyo goboladda se waa waa lakala dagaa, qof kasta ma wuxuu tagayaa meel laga garanayo oo ay caaqiladiisii joogaan tusaale ahaan haddii uu yahay muwaadin deganaa caasimadda Hargeysa in badan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee Laascaanood ama gobolka Awdal ee Boorama ama deegaano kale oo ka fog halka uu joogo markaas ma caaqiladiisii aqoonta u lahaa reerka uu yahay ayaa uu doonanayaa? Mise waxay ahayd qof kastaa meesha uu doono ha joogee in uu goobta ugu dhaw ka helo kaadhkiisa. Marka laga yimaado taas, caaqiladu ma aha bilaa shaqo ah ee waa dad iyagu wada shaqooyinkii ay horeba ugu hayeen bulshada, kuwaas oo mar walba u heelanaa sidii ay u kala fududayn lahaayeen mushkiladdaha qoys iyo hawlaha qabiil ee cidda uu hogaanka u yahay. Inkasta oo ay tahay in danta guud laga horaysiiyo danta gaarka ah haddana hawsha ay cuqaashu reeraha u hayaan waa mid aan loo baahnayn in ay istaagto. Sida loo qorsheeyayna waxa ay shaqaynayaan mudada ay diiwaangelintu socoto oo dhan, lamana samayn wax lagu badalo hawshii kale ee ay hayeen oo iyana hakad ku imanayo mudaddaas oo idil.Ugu dambeyn waxa aan dawladda soomaalilaan, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha oo ah hay’adda qabanaysa hawshan ahna ta ay hoos yimaadaan cuqaashu isla sidoo kalena ka mid ah wasaaraddaha halbawlaha u ah danta shacabka iyo dawladnimadaba aan ka codsanayaa in ay wax ka qabato dhibaato kasta oo laga yaabo in ay soo wajahdo waxna yeesho habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta ee dalka ka bilaabmay. Si gaar ah waxaan wasaaradda ugu boorinaynaa in ay wax ka qabato taariikhda dhalashada oo ka hor inta aanay soo bixin kaadhadhku ay sahlan tahay bedelaaddeedu, shaqaalaha ka shaqaynaya goobaha diiwaangelintana ku amarto in ciddii dambe ee qaadan doonta maalmaha iyo bilaha soo socda ay waydiiso xilliga uu dhashay. Waxa kale oo aan wasaaradda usoo jeedinayaa in ay dadka ku guubaabiso kuna wacyigeliso in ay wada qaataan kaadhka iyada oo u marinaysa warbaahinta qaybaheeda kala duwan, iyo in ay iclaamiso wakhtiga saxda ah ee uu muwaadinku helayo kaadhkiisa.Wabilaahi tawfiiq


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-caddeEmail: mdhagocade@gmail.comTell: 0634470220