Hooyo Somaliyed oo Gabadheeda Jihaadka Syria ku biirtay.
Posted by abdi on October 02 2014 10:42:54

Safiya Xuseen waa hooyada dhashay, Yursa oo 15 sano jir ah, taasoo mudo todobaad ka hor ah u safartay dalka Turkiga.


Extended News

Hooyo Somaliyed oo  Gabadheeda  Jihaadka Syria ku biirtay.

 

 


Safiya Xuseen waa hooyada dhashay, Yursa oo 15 sano jir ah, taasoo mudo todobaad ka hor ah u safartay dalka Turkiga, waxaana laga yaabaa in ay ku biirto kooxaha argagixisada ee ka dagaalama dalka Syria sida ay sheegeen Booliska magaalada Bristol oo ay ka tagtay gabadhan yar.

Halkan ka daawo video.

Hooyo Safiya oo shir jaraa’id ku qabatay Bristol ayaa la ilmeysay tallaabada ay gabadheeda ku dhaqaaqday, iyadoo ooyneyso ayey cod naxariis leh ku tiri “Hooyo waan ku jeclahay, waan kuu xiisay, fadlan soo noqo”.

Yusra oo dhiganeysay Iskuulka ayaa laga war helay inay u duushay Turkiga iyada iyo gabar kale oo 17 sano jir ah, waxaana loo badinayaa in ay ku biireen kooxaha ISIS ee ka dagaalamaya Syria iyo Iraq.