Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Kulatukaday Salaada Ciida.
Posted by ifraax on October 04 2014 11:52:25

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dadweynaha caasimada Hargeysa kala qayb galay tukashada salaada ciida.


Extended News

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dadweynaha caasimada Hargeysa kala qayb galay tukashada salaada ciida barakaysan ee Ciidal Adxa.

 



Madaxweynaha somaliland oo shacabka caasimada kula tukaday masjid jaamaca magaalada Hargeysa ayaa waxa wehelinayey xubno ka mid ah golaha wasiirada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii laga baxay salaada ciida hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu shacabka somaliland ugu hanbalyeeyey munaasibada ciida isaga oo u rajayey bash bash iyo barwaaqo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan shacabka somaliland ugu hanbalyeynayaa munaasibada ciida Adxa, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ciidan

ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ waxaan leeyahay shacabka somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa ilaalinta nabad galyada dalkeena, waxaanan ku balamaynaa inaynu wada shaqayno.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.


Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumadaba ayaa maanta guud ahaanba shacabka somaliland kala qayb galay tukashada salaada ciida Barakaysan ee Ciidal Adxa, iyaga oo ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.