Waxaanu leenahay hambalyo ciidal udxada awgeed.
Posted by ifraax on October 06 2014 10:20:40

Anagoo ah jaalliyada deggen dalka Ingiriiska waxaanu Ciidul-Udxada awgeed hambalyo aan la soo koobi karin gaadhsiinayna umadda muslimiinta. 


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

 Anagoo ah jaalliyada deggen dalka Ingiriiska waxaanu Ciidul-Udxada awgeed hambalyo aan la soo koobi karin gaadhsiinayna umadda muslimiinta gaarahaan shacbiga jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu leenahay ku ciida caafimaad,nabad-qab iyo cawaaqib wanaagsan,waxaanu Allaah ka baryeynaa inuu fadliga ayaamaha barakaysan inna siiyo dariiqa toosanna inagu hanuuniyo oo aynu ahaano kuwo badiya Allah ka cabsiga kana dheeraano dhibaatooyinka shaydaanku u horseedo aadamaha.

Annaga oo ka faa,iidaysanayna fursadan waxaanu ku waaninayna cid kasta oo xil haysa una dhaartay shacakooda in aanay dhayalsan wacadka ay Allah dartii ku kutubka qur,aanka gacanka u saareen uguna dhaarteen,taas oo haddii la garab maro keenaysa in laga gudbo xadka diinta islaamku inoo jidaysay Allana lagaga fogaanayo horseedna u noqonaysa habqan  iyo is afgaran-waa.

Ciid mubaarak dhammaantiin
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.

Deeq Cabdi Digale