Xisbiga Waddani oo cambaareeyey soo celinta madaxweyne siiraanyo ee xubintii xisbigu soo xushay.
Posted by abdi on October 10 2014 11:08:32

Diidmada uu Madaxweyne Siilaanyo u diiday Dr Mohamed Osman Fadal ka mid noqoshada Golaha Commission-ka Somaliland.


Extended News

Diidmada uu Madaxweyne Siilaanyo u diiday Dr Mohamed Osman Fadal ka mid noqoshada Golaha Commission-ka Somaliland waxaan ku fasiri karnaa Aragti, Go'aan iyo Fikir shakhsi oo baal-marsan Sharciga iyo Xeerka Wadanka ee Xulista ka midnoqoshada Golaha Commissinka Somaliland. Sida laga warqabo Dr Fadal waa mudane Aqoon iyo Karti u leh arimaha la xidhiidha hawlaha gudigani qabanayaan, waxuuna ka mid yahay dadka kooban ee Khibrada u leh doorashooyinka iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo mari karo diiwaangelinta Codbixiyayaashaba, Aqoontiisu waxay wax weyn ka tari doonta geedi socodka Hanaanka Dimoqraadiyada Somaliland iyo Hanashada Quluubta saaxiibo badan oo heer caalami ah.

Sida laga warqabo Dr Fadal xiligan loo xulanayey ka mid noqoshada golahan ma jirin xisbi uu ka tirsanaa amaba xil uu hayey, waxaase wax lala yaabo naqotay qaabka uu Madaxweynuhu ku diiday Xubinimadiisa, halka madaxweynuhu ka xushay xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbigiisa Kulmiye welina ka tirsan xisbigaas, kuna caan baxay dhaqaale u ururinta Xisbiga Kulmiye. Arintani waa arin aan sharciga meela ka soo gelin, Madaxweynuhuna xaq uma laha inuu sharciga keligii waxuu doonana ku darsado waxuu doonana ka gooyo.

Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in Madaxweynuhu doonayo inuu samaysto Gole uu jeebka ku shubto, Maskaxdoodana maamusho halka uu u arkay in Dr fadal yahay xubin aan la yeelan karin, maskaxdiisana cidkale maamulan karin. Waddaniga dhabta ahi waa kan ay ka baqaan dadka Danaha gaarka ah lihi. Hadaba waxaan u soo jeedinaynaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Ciro inuu dib ugu xusho markale  Dr Fadal ka midnoqoshada Golaha Commission-ka Somaliland, Isagoo Wadanka ugu dhaaran doona inuu si daacad ah oo dhex-dhexaadnimo ah ugu shaqayn doono Dalkiisa iyo Dadkiisaba. Si taas la mid ah waxaanu Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo ka codsansynaa inuu aqbalo Xubintan Cusub; kana dheeraado aragtida shakhsi iyo waxkasta oo dareen kala gelin kara Shacabka iyo Deegaamada Somaliland.


Afhayeenka Qaarada yurub ee Xisbiga Waddani
Qasim Aadan Saleebaan
kasslmn@aol.com