Wasaarada Caafimadka oo Beenisay in Cisbitaalka Hargeysa Adeeg la’aan dadku ay ugu dhintaan.
Posted by ifraax on October 12 2014 17:09:52

Wasiirka Wasaarada Caafimadka Saleeban Ciise Xaglatoosiye  iyo Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa ayaa Si wadda jir ah u beeniyey.


Extended News

Wasiirka Wasaarada Caafimadka Saleeban Ciise Xaglatoosiye  iyo Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa ayaa Si wadda jir ah u beeniyey war uu ka Qoray mid ka mid ah Wargeysyada Dalka ka soo bax oo sheegay in Cisbitaalka Hargeysa uu noqday Meel Dadka Bukaanka loogeya ay ku dhintaan oo adeegyadiisu Xun yihiin, Wasiirka iyo Agaasimaha Ayaa warkaasi ku tilmaamay mid  aan sal iyo Raad toona lahayn iyaga oo sheegay in Cisbitaalka hargeysa yahay Cisbitaalka ugu fiican Somaliland iyo geeska Afrikaba.

Waxayan Tilmaamay in aan Cisbitaalka lagu dhimman iyaga oo Hoost aka Xariiqay in Sanandkii tagay ee 2013-ka ay ku Qaliin Cisbitaalka hargeysa in ka baddan 1900 oo Qof waxanu tilmaameen in ay dhinteen 4 Qof oo kali ahi taasi ay tahay tayada Cisbitaalka iyo dhakhaatiirta ka shaqeysa oo ah Dhakhaatiir Caalami ah iyo kuwo waddanka Somaliland u dhashay.

Agaasimaha Cisbitaalka hargeysa Dr.Askar oo ugu horeyn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in wararka Cisbitaalka laga qoray ay yihiin qaar aanay waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxanu Hoosta ka Xariiqay in aanay jirin dhakhaatiir Ajnabi ah oo Cisbitaalka kus ugan oo Tababar dadka ku qaata, basle dhakhaatiira joogta ay yihiin qaar shahaadooyin BHD-sita.

Wasiirka Caafimadka Dr.Saleeban Xaglatoosiye oo isaguan ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in Cisbitaalka uu yahay mid caalami ah oo hawlah ka socdaa ay yihiin qaar sidii loogu tallo galay u socda, waxanu warbaahinta u soo jeediyey in wararka dalka dhibta u keenaya aanay qorin ee aan runta ahayn.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.