Muuse Biixi oo Beeniyey in Siilaanyo ka Tanaasulay musharaxnimada Xisbiga.
Posted by abdi on October 13 2014 20:40:47

Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Beeniyey  in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka Tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga kulmiye.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Beeniyey  in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka Tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga kulmiye.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in Musharax kali ee Xisbiga kulmiye leeyahay uu yahay Madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay in Sharciga dalku dhigayo in labba Jeer uu isa soo sharaxi karo, waxanu meesha ka saaray wararkaasi shegayey in Siilaanyo uu iska dayey in doorashada danbe uu isa soo sharaxo, waxanu hoosta ka xariiqayn in doorashada 2015-ka uu Madaxweyne Siilaanyo u taagan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Waxa kale oo  uu sheegay in uu soo dhaweynayo Guddida Cusub ee komishanka Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan la magacaabay waxanu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye si fiican ulla shaqayndoono Komsihanka Cusub.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.