Xasan dhuxulow Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho ku eedeeyay Al-shabaab.
Posted by abdi on October 13 2014 21:21:21

Madaxda dalka sida madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Garoowe.


Extended News

Madaxda dalka sida madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmamaay qaraxaas inuu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab, laguna laayay dad shacab ah oo fadhiyay baar ay ka qaxweynayeen, isagoo xusay in falalka noocaas ay yihiin kuwo muujinaya rajo-xumada haysata Al-shabaab. “Falkani wuxuu tilmaamayaa rajo-xumuda Al-shabaab, waayo waxay dhibka u geysteen waa dad shacab ah oo aan waxba galabsanin, inta naloo sheegay 13-qof ayaa ku dhimatay, 18-kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, kuwaasoo qarkood ay xaaladdoodu aad u liidato,” ayuu yiri Madaxweynaha. Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taageeraan hay’adaha amniga dalka sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, isla markaana meel looga soo wada-jeesto cadowga, dadkuna ay u dul-qaataan sharciyada hay’adaha amniga ay kaga hortagayaan Al-shabaab. “Nabad diidku qaraabo ma lahan, hay’adaha amniga waxay keeneen xogo lagu ogaanayo dadka magaalada soo galaya, yaan la dhibsanin, waayo waa mid ay maslxaddeennu iyo amnigeennu ku jiro. Dabar-goynta cadowgeenna ayaan ku jirta sharciyadaas ee haloo dulqaato,” ayuu madaxweynuhu yiri. Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal uu Garoowe kasoo saaray ku sheegay in weerarrada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo caddeyn u ah gaabiska Al-shabaab, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto soo af-jaridda kooxdan. “Weerarkan bahalnimada ah waxaa lagu soo beegay xilli aynu faraxsanayn oo aynu xusaynay calankeenna sharafta badan iyo astaanta Qaranimadeena. Waxaan hubaa in weerarkan uusan inaga leexin doonin jidka horumarka, nabadda iyo dawladnimada,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarka ismiidaaminta ah ee lagu laayay dadka shacab ah oo aan waxba galabsan. Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxaas, isagoo ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa ayaanay jirin cid weli sheegatay mas’uuliyaddiisa, iyadoo dadkii ku dhintay qaraxaas ay tiradoodu gaarayso 15-qof, halka ay laabtameeyo kale ku dhaawacmeen.

HargeysaOnline.Net