Waxaa shir uga qabsoomay gudida beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) dalka Ingiriiska magaalo madaxdiisa London, maalintii sabtida ahayd kuna beegnayd 11/10/2014.
Waxaa shir uga qabsoomay gudida beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) dalka Ingiriiska magaalo madaxdiisa London, maalintii sabtida ahayd kuna beegnayd 11/10/2014, shirkaas oo ay kaga arrinsanayeen danaha beesha iyo guudahaan xaaladda dalka jamhuuriyadda Somaliland,
Shirkaas oo ku furmay Aayado qur,aanka kariimka ah
Ugu hoorrayn waxaa ka hadlay guddoomiyaha jaalliyada beesha mudane Deeq Cabdi Digale,waxaanu si faahfaahsan uga warbixiyey wixii gudida u qabsoomay iyo qorshayaahsa ku talo galka ah ee loo baahanyahay in la qabto,waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyey sidii loo wada ilaalin laha nabadgelyada iyo xasilloonida guudahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxa iyaduna hadalo dhaxalgal ah ka soo jeedisay guddoomiyadda isla gudida ee garabka haweenka marwo Marwo Amina Xaashi Guuleed oo ku dheeraatay sidii loo wada ilaalin lahaa nabadagelyada waxaanay ka dayrisay arrinta laga soo cusbooneeyey Tiyaatarka Magaalada Hargaysa oo hore si wada jir ah heshiis looga gaadhay, laguna tilmaami karo fidno abuur aanu shacbiga Somaliland u baahnayn, waxaa kale oo hadallo murti leh ka soo jeediyey kulankaas Guddoomiye ku Xigeenka gudida Mudane Mustafe Cabdilaahi Ismaciil oo ku dheeraaraday muhiimada ay leedahay wada shaqayntu iyo in loo hagar baxo danaha beesha iyo guudahaan qaranka reer Somaliland,waxaa kale oo shirkaa ka wada hadlay Mudane Fuad Cisman Muxumed,Maxamed cabdi Oomaar,Marwo Sahra Ismaciil Xasan,Marwo Hodan Suldan Rashid,Marwo Foosiya Cisman Cawaale,waxaanay dhammaantood ku celceliyeen sidii loo wada meel looga wada soo jeedi lahaa midnimada beelaha Somaliland, waxaanay raaciyeen in sharciga dalka u sidiisa loogu dhaqmo ciddii garab martana sharciga la hor keeno.
Taariikh: 14/10/2014.
Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) waxaanu uga digaynaa xubnaha dawlada ka midka ah ee fidnada dalka ka hurinaya in ay ka waantoobaan dhibaatada ka dhalan karta ficilka foosha xun ee ay ku kacayaan ,kaas oo ah arrinta Tiyaatarka ee hore looga heshiiyey si wanaagsana loo soo afjaray.
Deeq Cabdi Digale