Cudurkii Ebola Oo Itoobiya Soo Gaadhay, Iyo Somaliland Oo Halis Caafimaad Ugu Jirta.
Posted by ifraax on October 14 2014 10:10:36

Cudur Khubarada Caafimaadka Itoobiya qaar ka mid ahi xaqiijiyeen in uu yahay Ebola ayaa la sheegay in uu Caasimadda wadanka Itoobiya.


Extended News

Cudur Khubarada Caafimaadka Itoobiya qaar ka mid ahi xaqiijiyeen in uu yahay Ebola ayaa la sheegay in uu Caasimadda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa u soo ritay Afar Qof inkasta oo aanay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya wali si rasmi ah uga hadal Kiisaskan (Cases) illaa imikana wax xog ah warbaahinta ka siinin.
Shabakadda Hara Ethiopia oo warkan shalay baahisay ayaa lagu sheegay in Mid ka mid ah Diblomaasiyiinta dalalka Galbeedka Afrika ee ku sugan caasimadda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa uu soo ritay Xanuun leh astaamaha Cudurka Ebola ninkaasi oo la dhigay cisbitaalka Saint Yared General Hospital oo wakhtigan lagu dabiibayo kadib markii ninkaasi lagu arkay dhammaan astaamaha cudurka Ebola.

Waxa uu warkani intaasi ku darayaa in Saddex qof oo kale oo la sheegay in cudurkani soo ritay kuwaasi oo loola cararay Cisbitaalka Duqur Ambassa Hospital (Black Lion Hospital) ee isla Magaalada Addis Ababa halkaasi oo masuuliyiinta Cisbitaalkaasi ka gaabsadeen in ay saddexdan Kiis wax xog ah ka bixiyaan iyaga oo ka werwersan saamaynta adag ee arrinkaasi ku yeelanayso xaaladda Caafimaad ee Mujtamaca guud ahaan maadaama aanay wali Saraakiisha Itoobiya wax war ah ka soo saarin arrinkaasi, isaga oo warkani intaasi ku daraya in aan illaa imika la ogayn xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin Shaqaalaha Cisbitaalkaasi Duqur Ambassa iyo dadkii bukaanka ahaa ee marka horeba ku jiray, ka hor intii aan la keenin saddexdan qof ee cudurka Ebola soo ritay taasina ku abuurtay walaac weyn maamulka, Bukaanka iyo shaqaalaha cisbitaalkaasi.
Shabakadda warkan baahisay ee Hara Ethiopia ayaa sheegaysa in xaaladdani werwer hor leh ku abuurayso mujtamaca Itoobiya gaar ahaan dadka ku nool caasimadda Addis Ababa iyo Nawaaxigeeda iyada oo sababtu tahay xaaladda qarsoon ee lagu qaabilay afartan kiis iyo sida aanay wali xukuumadda Itoobiya u qaadin ama ugu dhawaaqin tallaabo heegan Ilaalin caafimaad ah. Mid ka mid ah shaqaalaha Cisbitaalka Duqur Amabsassa (Black Lions Hospital) ee Magaalada Addis Ababa ayaa shabakadda warkan baahisay u sheegay in aan cudurkan waxba laga qaban Karin haddii uu sidan ku soo galo dalka Itoobiya iyada oo aanay wali xukuumaddu qaadin tallaabooyin lagaga gaashaamanayo cudurkan dilaaga ah ee Halista ah taasina ay keeni doonto in aan hadhaw waxba laga qaban Karin. Xaaladda aamuska ah ee saraakiisha Caafimaadka Itoobiya arrinkan ku qaabileen ayaa walaac weyn dhalinaysa sida wararkan lagu sheegay.
Keseteberhan Admassu, wasiirka caafimaadka Itoobiya oo dhawaan ka hadlayay cudurka Ebola iyo sida Itoobiya uga gaashaaman doonto ayaa sheegay in ay il gaar ah ku hayaan duulimaadyada ka imanaya dalalka Galbeedka Afrika oo ah goobta uu cudurkani sida weyn ugu fiday.
Si kastaba ha ahaatee, haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo in cudurkani ka dilaacay dalka Itoobiya waxa halis caafimaad ku sugan shacabka reer Somaliland oo marinkooda koowaad yahay wadanka Itoobiya, xidhiidh siu furnaansho ah oo ballaadhanina ka dhaxeeyo, waxaana xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in ay la timaad qorshe iyo siyaasad habboon oo lagaga gaashaaman karo halista cudurkaasi la iman karo, ILAAHAY innooma keenee.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.