Wasiirku xigeenkii Hore ee Amniga oo Khamiista la horkeenayo Maxkamada.
Posted by ifraax on October 15 2014 16:01:37

Maalinta khamiista ee bishu tahay 16 ka bisha tobnaad waxaa maxkada lakeenayaa wasiir ku xigeenkii Amniga wasaarada arimaha gudaha somalailn Cabdilaahi Abokor.


Extended News

Maalinta khamiista ee bishu tahay 16 ka bisha tobnaad waxaa maxkada lakeenayaa wasiir ku xigeenkii Amniga wasaarada arimaha gudaha somalailn Cabdilaahi Abokor,oo ay ciidamada RRU du ay habeen madaw kala soo baxeen gurigiisa oo ku yaala magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada Jigjiga yar.
Wasiirku xigeenkii amniga wasarada arimaha gudaha waxay ciidamada RRU du ka soo xidheen gurigiisa taarrikhdu markay ahayd 31 bishii shanaad ee sanadkan waxaana uu maxbuus ku ahaa mudada intaa leeg jeelka wayn ee magaalada hargaysa bilaa maxkamad .
Waxaana noqonaysaa bari maalintii sedexaad ee la horkeen maxkamada , tan iyo intii uu ku jiray xabsiga dhexe ee caasimada ,waxaana labadii maal mood ee hore lo diiday inay ka soo qayb galaan dhagaysigiisa dacwada saxaafada iyo do oo aad loo baadhaayay dadkii eheladiisaa ahaa ee dhagaysanaayay dacwadsiisa
Waxaana wasiir ku xigeenka si arxandara ah looga soo xidhay gurigiisa iyadoo caruura laga sasiyay iyo dadka jaar ka ah eek u noolaa xaafada uu dagaanaa .
Waxaana bari oo ay tahay bishu 16 ladhagaysandoonaa dacwadiisa laxidhiidha soo qabashadiisa ee lagu eedaynayay, waxaana la eegi doonaa sida ay u dhacda dacwadu,iyada oo ay sheegayaan dadka eheladiisa ah inay askartii soo xidhay ay ka la hadala duwanaayeen oo uu ka yaabay gorsoorihii maxkamadu.
La arki doonaa sida ay maxkamadu uga gudato waajibaad keeda dastuuriga ah maxbuuska mudada intaa leeg u xidhnaa bilaa maxkamad.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.