Qaban-qaabada Soo Dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
Posted by abdi on October 16 2014 11:15:39

Qaban-qaabada soo dhawaynta gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI.


Extended News
Boorama(Hargeysa Online)Qaban-qaabada soo dhawaynta gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Mudane C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa maalmihii u danbeeyay si wayn looga dareemayay guud ahaan Gobolka iyo gaar ahaan xarunta Gobolka Ee Boorama,isaga oo ku soo beegan maalinta barri ah ee ay taariikhdu ku astaysantahay 16 October.

Soo dhawaynta Gudoomiye Cirro ayaa si wayn waxaa uga dhex muuqda mas’uuliyiinta heer Qaran,heer Gobol Iyo Heer Degmo oo hormuud ka yahay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mudane Axmed Mu’min Seed Iyo Xubno ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga oo maalintii shalay soo gaadhay magaalada Boorama.

Dhanka kale abaabulka xoogan ee ka socda Boorama ee lagu soo dhawaynayo Gudoomiye Cirro ayaa waxa uu culays wayn ku noqotay maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Xukuumada Axmed Siilaanyo,waxaana inta badan lagu arki karaa goobaha fadhi ku dirirka iyo meelaha caadiga ah ee la iskugu yimaado si weyn looga hadalhayo sidii loo soo dhawayn lahaa gudoomiye Cirro oo ay reer Awdal u arkaan nin qunyar socod ah oo wax badan ka qaban doono arrimo badan oo ay ka tabanayaan bulshada ku nool gobolada Galbeedka Somaliland marka uu xilka qabto.

Sidoo kale mar aan guddida qabanqaabada wax ka waydiinay halka ay u marayso soo dhawaynta Gudoomiye Cirro ayaa noo sheegay in ay halkii u saraysay marinayaan ayna maalinta barri ah ciida oo dhaqaaqday oo dad ahina soo dhawayn doonaan ayaa noo sheegeen.

Si kastaba ha ahaatee imaatinka Gudoomiye cirro maalinta barri ah Xarunta Gobolka Awdal ayaa qayb ka ah dhoolatus siyaasadeed oo ay xisbiyada Mucaaradku ku marayaan gobolada iyo degmooyinka dalka tanina waxa ay ifafaalo u tahay bilowga karka doorashooyinka sannada 2015 ka dhici doonta Somaliland lana saadaalinayo in xisbiga WADDANI yahay ka hanan doona kursiga ugu sareeya Somaliland ee tartanka loo galayo waa hadii doorashadu si xor iyo xalaal ah u dhacdo.

 
C/rashiid C/laahi Cumar
Boorama-Somaliland