Awdal Oo Maanta si fiican looga Soo Dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
Posted by ifraax on October 17 2014 11:33:10

Gudoomiyaha golaha wakiilada Ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANI Md.C/raxmaan C/laahi Cirro iyo wafti balaadhan.


Extended News

Gudoomiyaha golaha wakiilada Ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANI Md.C/raxmaan C/laahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka aroortii hore si kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyay Gobolka Awdal iyada kumayaal iyo kumayaal dadweyne taageerayaal ah oo ruxay astaanka callan iyo caleemo qoyon ay kaga hortageen degaanka kalabaydh kuwaas u soo galbiyay Magaalada Boorama.


Ka dib markii uu soo gaadhay gudaha magaalada Boorama ayaa waxa uu gudoomiyuhu ka dhex baxay gaadhi dusha ka banaan si u u salaamo dadweyne kumayaal ah oo taagnaa wadooyinka dhinacyadooda kuwaas oo caleemo qoyan iyo mashxarad gudoomiyahooda ku soo dhawaynayay waxaana ugu danbayn loo soo galbiyay Hotel Rays oo loogu balansanaan soo dhawaynta Gudoomiyaha iyo boqolaal ka soo diga rogtay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye oo ku soo biiray Xisbiga Waddani kuwaas oo isku jiray rag ruug cadaayo siyaasadeed oo dhalanteeda bilaashka ah ee xisbiga Kulmiye iska gartay.

wadani_1.jpg

 

wadani_2.jpg

wadani_3.jpg

wadani_6.jpg

wadani_8.jpg

Hussein Hassan <booramaonline@gmail.com