Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Awdal oo hore uga baxsaday Ciidanka RRU-da.
Posted by abdi on October 18 2014 22:54:27

Sarkaal sare oo Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Awdal isla markaana ay dhawaan ciidanka RRU-du ku Guul-daraysteen in ay qabtaan ayaa dhawaan Xukuumadda Somaliya.


Extended News

Sarkaal sare oo Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Awdal isla markaana ay dhawaan ciidanka RRU-du ku Guul-daraysteen in ay qabtaan ayaa dhawaan Xukuumadda Somaliya ku qabatay isagoo ku sugan deegaanka Dhuusa mareeb, halkaas oo inta laga qaaday loo geeyey Ciidanka Jabuuti ee Nabad ilaalinta u jooga Somaliya, kuwaas oo u qaaday dhinaca Jabuuti.Sarkaalkan la qabtay ayey ciidanka RRU-du ku weerareen gurigiisa oo ku yaala Borama maalmo kadib markii laba qof oo Al-shabaab ahi qarax ka fuliyeen Dalka Jabuuti, iyadoo RRU-du ku soo qab qabatay hawl-galkaas dad lala xidhiidhiyey inay Lug ku lahaayeen qaraxaasi, hase yeeshee ninkan imika la qabtay waxa u suurtogashay in uu ka baxsado, isagoo galay Buuralayda Baki halkaas oo uu ka sii gudbay markii danbe.Qabashada ninkan ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Sirdoonka Somaliland iyo kuwa Somaliya oo ay wehelinayeen sirdoonada Reer Galbeedka ee la shaqeeya, kuwaas oo Xuuraan iyo dabagal ku hayey dhaqdhaqaaqiisa, ugu danbayntiina ay u suurtogashay inay qabtaan.Qabashada ninkan oo ku beegnayd bilowgii bishan ayaa la sheegay intii ka danbaysay in dhaqdhaqaaqyo dhinaca Cirka ah lagu qaaday Buuralayda Golis, halkaas oo ay Reer Galbeedku uga cabsi qabaan in ay ku soo dhuuntaan Kooxda Alshabaab ee ka soo guurtay Baraawe.Sidoo kale, warar la sheegay in uu bixiyey Sh Atam oo ahaa Aasaasihii Alshabaabta Buuralayda Galgala ayaa la sheegayaa inay sababtay in Diyaaradaha Drones-ku duqeeyaan meelo bartilmaameed ah oo uu soo siiyey, hase yeeshee xogahaasi illaa hada waxay u muuqdaan kuwo aan si rasmi ah u burburin kooxdaasi oo lagu tilmaamo inay aag bedel ku samaysay meelihii uu Atam ku ogaa.Sarkaalkan loo dhiibay Dawladda Jabuuti ee u dhashay Gobolka Awdal ayaa ku biiraya maxaabiis ay dawladda Jabuuti hore uga qaadatay Somaliland, kuwaas oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay in Dalka dib loogu soo celin doono hase yeeshee illaa hada waxay ku jiraan gacanta Sirdoonka Jabuuti.

Hargeysa Online