Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya baarlamaan iyo Xukuumadda.
Posted by abdi on October 18 2014 23:01:29

Khilaaf siyaasadeed Huursan oo ka dhex curtay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ama Xisbiga Wadani iyo Kulmiye ayaa sababay in dhinac kastaa.


Extended News


Khilaaf siyaasadeed Huursan oo ka dhex curtay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ama Xisbiga Wadani iyo Kulmiye ayaa sababay in dhinac kastaa hakiyo dhamaystirka hawlo muhiim ah oo Qaranka horyaala oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka iyo Miisaaniyadda.Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa hakiyey Ansixinta Miisaaniyad sanadeedka 20015-ka oo ay Xukuumaddu u gudbisay Golaha ka hor intii aanu Golahuhu gelin fasaxii kalfadhiga ay hada ku jiraan, taasoo aan la garanayn sababta C/raxmaan Cirro u Ansixin waayey, wallow wararka la xidhiidha Diidmada Cirro lala xidhiidhinayo Kharashaadkii Miisaaniyadda ugu jiri jiray Shirguddoonka oo ay Xukuumaddu sanadka 20015-ka meesha ka saartay.Guddoomiye Cirro isagoo ka biyo diidsan talaabada ay Xukuumaddu kaga jartay kharashaadkii uu maamuli jiray ee shirguddoonka ayuu Miiska hoostiisa dhigay, halka uu Golaha Wakiiladdu guda gali jiray Miisaaniyadda, taasoo u muuqata in khilaafka siyaasadeed ee Golaha Xukuumadda iyo Golaha wakiiladda u dhaxeeyaa in uu ka xoogaystay dagaalka dhaqaale ee dhex yaala.Taas Bedelkeeda, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro waxa uu dhawaan Xukuumadda ku Eedeeyey inay kala reebtay Anisixintii xubnaha Komishanka isagoo ku tilmaamay talaabada ay Xukuumaddu sidaas u samaysay inay doonayso inay dib ugu dhigto doorashada.Isku tuur tuurka Eedahan ayaa waxa ku biiray kadib markii toddobaadkii hore Golaha Guurtiddu hakiyeen Xeerkii labada Diiwaangalinood ee uu Golaha Wakiiladdu usoo gudbiyey, iyagoo Golaha Wakiiladda ku Eedeeyey in uu is daba marin ku sameeyey qoddobada Xeerkan, kuwaas oo ka duwan sidii Golaha Wakiiladdu ku soo Ansixiyey.Golaha Guurtidda ayaa ka qaatay xeerkan talaabo la mid ah ta uu C/raxmaan Cirro ka qaatay Miisaaniyadda, waxaanu Guddoomiye Saleebaan Xildhibaanada galiyey fasaxii kalfadhigooda oo qaadanaya bil iyo badh.Fasaxyada labada Golle ayaa dib u dhigaya Xeerka Diiwaangalinaha oo Axsaabta Mucaaradka gaar ahaan wadani u danaynaya in aanay mar marsiinyo u helin Xukuumaddu dib u dhigida Doorashooyinka, hase yeeshee talaabada uu Golaha ku fasaxay isagoon Miisaaniyadda Ansixin ayaa u muuqata mid ka daba timi.Si kasta ha ahaatee, Eedaymaha ay isku jeedinayaan sadexdan Hay’adood ee Dalka ugu sareeya ayaa u muuqda mid sii murginaysa hawlaha Qaran ee horyaala, kuwaas oo dabar ku noqonaya socodsiinta Doorashooyinka oo xiliigan u muuqda kuwo dibu-dhac ka muuqdo sida uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku dooday.

Hargeysa Online.