Ururka Qurbo-joogta Waqooyiga Ameerika oo lagu Qabtay Virginia.
Posted by ifraax on October 19 2014 17:05:30

Kulan daahfur u ahaa ururka qurbo-joogta Soomaalida ee Waqooyiga America ayaa lagu qabtay xalay gobalka Virginia ee dalka Maraykanka. 


Extended News

Kulan daahfur u ahaa ururka qurbo-joogta Soomaalida ee Waqooyiga America ayaa lagu qabtay xalay gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.

Ururka oo lagu soo dhigay dalka Turkiga bishii Juun ee sanadkan ayaa waxaa isugu yimid qurbo-joog Soomaaliyeed oo ka kala timid dunida oo dhan, kuwaasoo tiradoodu ahayd 130-qof, iyagoo ku hishiiyay dhismaha ururkan oo afka Ingiriiska noqonaya Global Somali Diaspora GSD. Wuxuuna xafiisyo ku leeyahay magaalooyinka London oo ah xarunta iyo gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Kulankii xalay waxaa kasoo qaybgalay dadwayne fara badan kuwaasoo ka kala yimi gobollada Maraykanka, sida Minnesota, Ohio, Arizona, Atlanta iyo kuwo kale, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in qurbo-joogta Waqooyiga America ay dardar-galiyaan ujeeddooyinkii loo aasaasay ururka, iyadoo uu kala soo qaybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo guddoomiyaha ururkan, Cabdi Baruud oo dalka Ingiriiska ka yimid.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay kulanka, Sadik Warfa oo ah guddoomiye ku ixgeenka ururka, wuxuuna warbaxin buuxda ka bixiyay taariikhda aasaaska ururk iyo halka uu hiigsanayo sida isku-xirka bulshada qurbo-joogta ah ee Soomaaliyeed. Isagoo u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaateen dhismaha ururkan. Wuxuuna xusay in ururkan ka duwan yahay ururrada kale maadaama uu ku dhisnaan doono dad iyaga is-qora (Membership), isagoo dadkii kulanka yimid ka codsaday inay is diiwaan-galiyaan. 20141019635492897377288874149356_10205083943441002_5793158576529799589_n.jpg

201410196354928981410331691780662_10205083944521029_3479677896529506207_n.jpg

201410196354928985156795991002526_10205083946481078_644942391334143336_n.jpg

201410196354928987025023491900001_10205083943401001_6082688118867123538_n.jpg

2014101963549290031002720610689890_10205083944961040_8003739326082196927_n.jpg

2014101963549290071613936610155659_10205083945081043_3403513371149336239_n.jpg

2014101963549290116872132910384280_10205083952921239_8243760001955212802_n.jpg

2014101963549290155354104410435614_10205083949961165_1756016098776868189_n.jpg

2014101963549290187015189610256419_10205083946161070_1585337254386540508_n.jpg

201410196354929021583973281939736_10205083947121094_7897736777703440689_n.jpg

2014101963549290247651234310635851_10205083951041192_6565068430967093485_n.jpg

2014101963549290277964772010710712_10205083953681258_3849485387342803857_n.jpg

2014101963549290335355187410689794_10205083945641057_4120234549650564521_n.jpg

2014101963549290401697957710703788_10205083957041342_4986702105058076090_n.jpg



Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar oo maadada taariikhda ka dhiga Jaamacadda Savannah ayaa goobta uga sheekeeyay taariikhda dheer ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in taariikhda wax laga barto, isagoo ururka ugu baaqay inay wax ka qabtaan taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay, Anwar Maxamed Diiriye isagoo si aad ah uga faallooday in loo baahan yahay in ururkan uu wax ka qabto soo noolaynta iyo sare u qaadidda afka Soomaaliga. Aqoonyahanku wuxuu kaloo sheegay in af loo barto aqoon kaa maqan ood wax ku raadsato ee looma barto in aad kaagii ku baabiso.

Khadro Maxamed oo ka mid ah xubnaha ururka ku matashana gobolka Ohio ayaa ka sheekaysay waxa laga fili karo ururkan, iyadoo sheegtay inay siyaasadda Soomaaliya ka madax-bannaan yihiin, waxay kaloo ka hadashay wax-tarka haweenka Soomaaliyeed iyadoo khudbadeedu ahayd mid ka hadlaysa kaalinta haweenka Soomaaliyeed. Khadra waxay sheegtay in ururkani yahay dadaal lagu mideynayo maskaxda qurbo-joogta Soomaalida ah ee dibadaha ku nool si aan uga qayb-qaadanno horumarinta dalka.

Guddoomiyaha ururka GSD, Cabdi Xariir Baaruud ayaa isaguna hadlay wuxuuna hadlakiisa ku billaabay dalalka ay dadka Soomaaliyeed ee caalamka jooga ay ku dhiban yihiin; isagoo xusay Koonfurta Afrika, Libiya iyo Kenya ayuu xusay in ururkoodu doonaayo inay dadkaa u hadlaan.

Cabdi Baruud ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan inay wax ka qabtaan horumarinta afka Soomaaliga waliba marka la joogo qurbaha, wuxuu kaloo sheegay in labaatan dal ay xubnahoodu joogaan, kuwaasoo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa ku sheegay inuu u mahadcelinayo reer Virginia, wuxuuna kasoo qaygalayaashii kulanka ugu baaqay inay iska qoraan ururka oo u taagan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Cumar C/rashiid oo ka hadlay isaguna kulanka ayaa sheegay inay tani fursad weyn u tahay dadka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna dadkii goobta ku sugnaa faray in la isku yimaado horay u socodsiinta howlah ururka, xubnana laga wado noqdo.

 

Hargeysa Online