Axmed Mu'min Seed ayaa maanta safar ugu kicitimay Adis ababa.
Posted by ifraax on October 21 2014 10:02:59

Safarkan oo aysan cid kale ku wehelinayn ayaa saaka aroortii mar uu ka sii baxayay xuduudka u dhaxeeya Somaliland.


Extended News

Safarkan oo aysan cid kale ku wehelinayn ayaa saaka aroortii mar uu ka sii baxayay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya dhinaca galbeedka noo suuragshay inaan kula kulano xili uu halkaas ku sugnaa waxa uuna ku gaabsaday mar aan wax ka waydiinay safarkiisan u itoobiya ku tagayo maanta "Hadaad su'aashaas i waydiiseen waxaan u tagayo dalka itoobiya ,runtii waa dal dawladiisa iyo dadkiisuba xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh uu naga dhaxeeyo,waxaanse iminka safarkaygu daaranyahay mid shakhsi ah ama  ah aan u tagayo caasimada itoobiya ee Addis-ababa.

Mar kale oo ay saxaafadu wax ka waydiisay in uu ku sii hakanayo magaalo madaxda killinka shanaad ee itoobiya ee jig-jiga  ayaa yidhi"haa waan joogi doono mudo laba cisho ah waxaanan la kulmi doonaa shacabka Somaliland ee degen magaalada Jigjiga hadii ay iisuuro gashana waxaanan rajaynayaa inaan la kulmo mas'uuliyiinta sarsare ee dawlad deegaanka itoobiya ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee safarka gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaya xili gudoomiyayaashii xisbiyada qaranku ay dalka dibadiisa uga maqan yihiin hawlo shaqo waxaana la iswaydiinayaa wada maqnaanshaha mas'uuliyiinta sarsare ee xisbiyada waxa xiligan ku soo beegay iyada oo ay golaha guurtidu hakad galiyeen xeerka diiwaangalinta madaniga iyo doorashada oo muran iyo hadalhayn hor leh ku dhex abuurtay bulshada reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa jooga.

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Somaliland