3 Qof oo ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay.
Posted by abdi on October 25 2014 22:45:28

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama.


Extended News

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaasoo ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray.

Gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore hoteel Golden ku yaalla isgoyska Shaqaalaha oo kasoo horjeeda guriga Shaqaalaha oo xarun u ah waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.

“Baabuurka waxaa la dhigay hoteel Golden hortiisa, si lama filaan ah ayuu u qarxay, waxaa arkay dhimashada saddex ruux, shan kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu u goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka qaraxu ka dhacay.

sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladdu ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaariga qarxay, iyadoo aan la ogeyn in gaariga uu yahay mid lagu soo xiray qaraxa iyo mid lagu talo-galay.

Hay’adaha amniga dowladda ayaan weli ka hadlin qaraxa gaarigan, iyadoo ay tani kusoo beegmayso xilli ay wasaaradda amniga dhawaan soo saartay amar ah in xaruntii ganacsi ee uu gaari horteeda ku qarxa wax laga weydiin doono milkiilaha xaruntaas.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, iyadoo qaraxyo ka dhacay dhawaan Muqdisho xilliyo habeen ah ay mas’uuliyooda xilli dambe sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

HargeysaOnline.Net