Suldaan Casuumad loogu Sameeyey Duleedka Magaalada Hargeysa.
Posted by abdi on October 25 2014 22:53:50

Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi iyo Boqor Faysal Cismaan Faarax ayaa hadhimo sharafeed lagu lamaaneeyay caleemo saar u sameeyay Suldaanka Beesha Fiqi-shinni.


Extended News

Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi iyo Boqor Faysal Cismaan Faarax ayaa hadhimo sharafeed lagu lamaaneeyay caleemo saar u sameeyay Suldaanka Beesha Fiqi-shinni, Suldaan Maxamed Ismaaciil Ibraahim oo dhawaan magaalada Hargaysa lagu caleemo saaray iyo Beeshiisa. Hadimo sharafeedkan oo a ka dhacday deegaanka Toon oo ku yaalla Koonfurta Hargeysa , ayaa waxa ka soo qeyb galay madax dhaqameedyo ka soo kala jeeda Beelaha, Gar-xajis, Daarood , Fiqi-shini, nabad-doono kasoo jeeda Beesha Suldaanka dooratay, iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, kuwaasoo duco iyo dardaaran halkaasi uga soo jeediyey Suldaanka cusub, uguna baaqay inuu cadaalad iyo sinaan ku hogaamiyo umadda doortay iyo Shacbiga Somaliland oo dhan. Xubno ka mid ah cuqaasha Beesha uu ka soo jeedo Suldaanku oo hadalka furay ayaa iska daba maray weedho soo dhaweyn, dhiiri-gelin iyo tallo isugu jira, waxaanay cuqaasha beeshu u soo jeediyeen inuu middeeyo danaha kala duwan ee beesha, haday tahay dhinaca horumarka gudahooda ah, siyaasadda iyo la noolaanshiyaha bulshooyinka kale. Waxay si gaar ah Suldaanka ugu tilmaameen inuu waajaho wax ka qabashada tabashada siyaasaddeed iyo kala daadsananta beesha, iyagoo intaasi ku ladhay mahad naq balaadhan oo ay u jeediyeen Isimada casuumadan isugu keenay iyaga iyo Suldaankooda. Nabad-doonada iyo dadka kale ee Beesha Fiqi-shinni ee xafladaas ka hadlay, waxa ka mid ahaa: Chief Caaqil Cumar Maxamed Jibriil . Chief Caaqil Faarax Cabdi Meecad, Caaqil Cali Geenyo . iyo xubno ku hadlayay Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha. Suldaan Axmed Xaaji Cumar, oo ka mid ah Madaxdhaqamedka Gobolka Daad-madheedh, ayaa isna xafladaasi kelmado dardaaran iyo duco ah uga soo jeediyay Suldaanka cusub. Suldaanka ayaa aad uga waramay Taariikhda Beesha Fiqi-shini iyo miisaanka ay ku leedahay geyiga Soomaalida, waxaanu ku sifeeyay dad lagu yaqaano, nabad-jacayl, dhaqan-wanaagsan kula dhaqanka bulshooyinka kale iyo dadka dhinaca Diinta lagu xushmeeyo. “Beesha Suldaanka caleemo saartay waxaa u fiican wanaagooda laga dhadhansanayaa magaceeda oo ah laba magac oo isku xidhan, kuwaas oo kala ah Fiqi oo ah mid ah Martabadaha Diinta iyo Shini oo ah tii Malabka samaynaysay” ayuu yidhi. Suldaan Axmed ayaa sidoo kale Hadyad ka kooban Kitaab Qur’aan oo uu sheegay inay ka timi Beeshiisa ku wareejiyay suldaanka cusub. Suldaan C/Laahi Cabdi Koor oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Beesha Bariga Sanaag, kuna hadlayay afka Isimada Daarood ee xaflada ka soo qayb-galay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Suldaanka cusub, kalana shaqayn doonan arrimaha dhaqan ee loo igmaday. Waxa uu sheegay inuu yahay Suldaankii ugu horeeyay ee Beesha Fiqi-shini ku yeelato Somaliland, cid ka dambeysa oo aanu isagu ogolaana aanay aqoonsan doonin. Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Isimadda Gobolka Sanaag, qayb-na ka ahaa fidinta casuumadan, ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada ay xaflada ugu sameeyeen Suldaanka, duco iyo waano dhaqanna u jeediyay. “Maanta laga bilaabo aniga oo ku hadlaya Boqorrada beesha Gar-xajis iyo inta ila fikirka ah, waxaanu u aqoonsanay Suldaankii koowaad ee Beesha fiqi-shin inuu yahay Suldaan Maxamed Ibaarim Ismaaciil, mana aha waxaanu afka ka odhanayno ee waxaanu keeni doonaa waraaqaha aanu ku aqoonsanay oo Shaambadahayagii ku yaallaan” ayuu yidhi Boqor Faysal, waxaanu intaas ku daray “Suldaankan Taageeradiisa cid aanu kaga hamranaynaa ma jirto”ayuu yidhi. Boqor Raabi Yuusuf C/Laahi oo ka warramay sababta kalliftay in ay garab istaagaan suldankan cusub, waxaanu sheegay in markii ay maqleen in suldaanka loo adeegsaday awood dawladdeed oo laysku hortaagay Caleemo saarkiisa, ay iyagu is xilqaamay, isla markaan fidiyeen madashan balaadhan ee laysugu keenay isaga iyo dadkiisii oo dhan intii Hargeysa joogtay. “Suldaanku markii uu Hargeysa yimi waxa naloo sheegay in awood dawladdeed loo sheegtay oo laga joojiyay xaflad lagu caleemo saari lahaa oo uu Hudheel ku dhigtay. Dhaqana umaynu lahayn waxaanay nagu noqotay arrin waji gabax ah”ayuu yidhi Boqor Raabi, waxaanu intaas ku daray. “Annagoo Deegaankii Caasimada ee laf-dhabarta ahayd in deegaankayaga dadka loogu cago jugleeyo oo laga carqaladeeyo howlahooda , waxaanu aqbali waynay ayay noqotay, sababta igu keliftay inaan Beertayda keeno Suldaanka iyo dadkiisu waataas”. Ugu dambeyn boqor Raabi ayaa Suldaanka cusub u muujiyay inay Shacbiga Somaliland yihiin dad jecel nabad-gelyada iyo dhaqanka, isla markaana aanu kala kulmi doonin hagar daamo iyo hiif toona, isagoo ka sheekeeyay xidhiidhka Isir ee ka dhexeeya Beelaha uu ka soo jeedo iyo Deegaanka Fiqi-shinni oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan, kuna daba-faylaan Isinka cusub ee ay doorteen. Ugu danbeenti waxa halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud Ee Beesha Fiqi Shinni Suldaan Maxamed Ismaaciil Ibraahim, waxaanu heegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ilaahay dalkiisa iyo dadkiisa oo ay muddo dheer qurbaha ku kala maqnaayeen uu ku soo nabad celiyey. Suldaan Maxamed,waxa uu sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doono sidii uu Beesha ugu dooni lahaa saamiga siyaasaddeed ee kaga maqan dawladda Somaliland, isla markaana ugu wacyi-gelin lahaa inay deegaamadooda horumariyaan, iyagoo iskaashana cid kalena aan wax ka sugin. “Waxaan tegayaa Adhi caddeeye, Ilaa Kilalka shanaad ee Itoobiya meel kasta oo beeshu degto, waxaanan idiin balan qaadayaa inaan sinaan iyo cadaalad idinku wadi doono” ayuu yidhi Suldaan Maxamed ee beesha Fiqi Shinni. “Waxaan u mahad celinayaa Madaxdhaqameedka halkan nagu marti qaaday oo aanan ilaawi doonin abaalka ay inaga mudanyihiin, Beesha Fiqi-shinina waa beel Taariikh weyn ku leh shanta Gobol ee afka Soomaaliga lagaga hadlo” ayuu sii raaciyay. Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa isku dayey inay baajiso haseyeeshe uma suuro-galin ka dib karkii boqor Raabi ku casuumay duleedka magaaladda Hargeysa, inkastoo uu sheegay in loo diiday huteelo xaflad loogu qaban lahaa suldaankan Fiqi SHinni.

HargeysaOnline.Net