Madaxweyne Siiraanyo oo Xadhiga ka jaray Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Posted by ifraax on October 26 2014 23:04:17

Madaxaweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha Cusub.


Extended News

Madaxaweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha Cusub ee wasaarada Xanaanada Xoolaha oo dibu dhis balaadhan lagu sameeyey Fooqna loo dhisay halkaasi  hore u ahaan jirtay dhisme duug, dhismahan oo ay maal galisahay Xukuumada Somaliland ayaa hore loogu daray Bajadka Dawlada.
Munaasibada lagu furayey dhismahan Cusub ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha  ee ladhisay, waxaana ka soo qayb galay Madaxwaynaha Somaliland, Xubno wasiiro ah oo ka mid yahay Wasiiraka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Mustafe Cali deeq oo gudoomiye ka ah Urur ka shaqeeya Horur marinta Caanaha Xooha oo Hoostaga Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaany ka waramay Hanaanka iyo siday u horu mariyeen Caanaha Xoolaha oo madashaasi lagu soo bandhigay madaxwynaa lagu maamusay waxaanu Sheegay inuu ururkaasi u baahan yahay in la taageero.
Waxa kale oo faah faahin ka bixiyey dhismaha iyo marxaladihii uu soo maray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha waaxaanu sheegay inay dhismani ka mid yahay dibu dhiska ka socda wadanka ee ay wado Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, dhinaca waxa isaguna ku dheeraadaada Waxqabadka wasaarada Xanaanada Xoolaha Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir isagoo sheegay inay Wasaaradu dhinac walba ka samaysay Waxqabad Muuqda.Ugu dambayntii waxa halkaasi Khudbad ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaanu yidhi “ Farxad wayn bay ii tahay inaan ka qayb galo furitaanka Daartan Wasaarada Xanaanada Xoolaha, inaga xooluhu waa laf dhabarteena, laf dhabarta Nolosheena, waxay Somaliland ku dagan tahay weeyaan haday noqoto dhaqaale iyo hadii ay noqoto nolosha dadkaba waa waxaynu ku dhisan nahay, sidaa darteed inaynu ahmiyad ay leedahay siinaa waa jib ina saaran weeyaan, aad baan ugu mahad naqaya wasaarada iyo intii ka qayb gashay wasaarada iyo dhismaheedaba”ayuu yidhi madaxweynuhu.

HargeysaOnline.Net