Murankii Golaha Wakiilada oo sii xoogaystay, Golihii oo furmi la .
Posted by ifraax on October 26 2014 23:20:50

muranka ka dhex aloosan Golaha wakiilada oo ka dhashay Xeerka Diiwaangalinta ayaa waxa in mudo ah furmi waayey Fadhiyadii caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada Somaliland.


Extended News


muranka ka dhex aloosan Golaha wakiilada oo ka dhashay Xeerka Diiwaangalinta ayaa waxa in mudo ah furmi waayey Fadhiyadii caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay Xildhibaanada Muxaafidka ahi sheegay inay Gudoomiyaha ka codsadeen in la baaJiyo Fadhiga Golaha si Xal looga gaadho Xeerka Diiwaan galinta Oo uu khalad ku soo baxay waxayna eedaasi dusha ka saareen Gudoomiyaha iyo garabkiisa oo ka dhaqo adaygay in la baajiyo fadhiyadii Golaha.Xildhibaanadan oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu godoomiyuhu ku kacay Qalad sharci, waxa kale oo ay sheegeen inuu qaladkaasi Doorashada soo socota Saamayn ku yeealan karo hadii aan xal laga gaadhin ugu horeyn Shirkaasi jaraa’id waxa ka hadlay Xildhibaan Bukhaaari waxaanu yidhi“Golaha wakiiladu xeerkii ay ansixiyeen ee loogu talo galay inay Komishanku ku shaqeeyaan, si ay doorashadu waqtigeedii u dhacdo, waxay Bulshadu ka dharagsan tahay khaladka laga galay xeerkii, ee looo majara Habaabiyey ee Xeerkii Goluhu uu ansixiyey Xeer aan ahayn loogu gudbiyey Golaha Guurtida, kaasi oo uu gole waynaha Baarlamaanka Somaliland uu ka gil gishay una arkay in la macna duwan xeerkii lagu shaqayn lahaa, sidaa awgeed Goluhu wuxuu gudoomiyaha u soo jeediyey oo ku saxeexnaa Xeerkaa aanu goluhu ansixin, in la loojiyo oo la gudbiyo Xeerkii uu Goluhu ansixiyey, Kalsoonidii uu Goluhu ku qabay Gudoomiyahana meeshii ayey ka baxday, waayo Xeerdhan oo qodobo dhan la badalay waa la aqbali waayey”Xildhibaan bukhaari wuxuu intaasi ku daray “wuxuu goluhu Go’aan saday inta hawshaa laga garnaqsanayo ee uu gudoomiyu ka xaajo qaadanayo ee arintaa meel lagu tiirinayo inaanu golu furmin, waxaananu u gudbinay mooshin ay ku saxeexan yihiin Xildhibaano ku dhaw 50 oo aanu leenahay Godoomiye Hawshaa ha laga garnaqsado ee ha furin golaha waanu iska dhaga tiray dabadeedna Xildhibaano tira yar ayaa saaka u tagay oo lagu eedeeyey Xilgudasho la’aan, markaa ma waxa Xilgudasho ah in la fool jari gareeyo xeerkii dhamaan ee Golahu asnixiyey, mise Godoomiyaha oo Dastuurka inaanu ka aqbalno oo aanu nidhaahdo Komishankii baa la ansixinayaa kalsooniba kuma qabno tirada soo baxaysa iyo sida loo tirinayo” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.Waxa kale oo isaagu faah faahin ka bixiyey arintaasi Xildhibaan Waabeeye waxaanu yidhi“waxay Xildhibaanada Badi doodu Gogaan sadeen in laga daba tago Xeerkaa Qaldamay si loo hubiyo qarankani Xeerka uu ku shaqaynayaa inay yihiin kuwii saxda ahaa ee ay Xildhibaanadu ansixiyeen loona kasbado kalsoonida Dadwaynaha, majooritiigii golaha wakiilada oo Sharci ah oo aqlabiyad ah waxay go’aan sadeen maadaama oo uu qalad kaasi dhacay oo qalad wayn ah, ahna qalad sharci oo qaran in arintaa la baadho oo la hubiyo iyadoo loo marayo Hanaan wanaagsan, waxay noqotay inaanu mooshin sifo Sharci ah u qorno oo aanu nidhaah inta arintaa xal laga gaadho waxaad noo hakisaan Golihii Wakiilada waxa dhacday tii in la horjoogsaday”Xildhibaan Waabeeye oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Halkii ay qoladii Qaladka Samaysay Qaladkoodii ka saxi lahaayeen ama ay odhan lahayd sidaasay wax u dhaceen waxay ku darsadeen laysku joojin maayee Golihii baa furmaya, Golohu wuxuu ku shaqeeyaa majooriti 50 Xildhaab ayaa soo jeediyey Hakiya Golaha iyagoo 15 ah ayey yidhaahdeen hakin mayno muxuu gole ku furmaa, Ceebta maanta halkaa ka dhacdayna Goluhu ma wada laha ee waxa leh Gudoomiyaha iyo Xisbigiisa tirade Yar, anaku wax sixid baanu u baajinay markii hore.”Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “waxaanu balshada reer Somaliland u sheegaynaa waxa socday Hanaan Doorasho, Goluhuna wuxuu hore u ansixiyey in la is raaciyo labada doorasho, waxay taasi naga tahay inaanu da dajino hanaanka ay u socoto Doorashadu, ma waxa doorashadii Hakiyey, ninka markuu xeerkii baxay waxkale ku feegaray ee badalay mise waxa socodsiiyey ninka sidii uu sharcigu ahaa u ansixiyey, runtii waxa doorashada hanaankeedii dhexgalay oo dib u dhigay ninka Xeerkii markuu baxay sida sharci darada ah wax uga badalay ee aad ka wada dharagsantihiin, kaasaa eedeeda iyo qalad keedaba leh” ayuu yidhi Xildhibaan Cali mareexaan.