Xasan Dhuxulow oo Gaaray Magaalada Baydhabo iyo Iska-horimaad dhacay.
Posted by ifraax on October 28 2014 17:58:04

Xasan dhuxulow, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xasan dhuxulow, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo iska-horimaad kooban uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo, kaasoo sababay dhaawacyo. Xubno ka tirsan maamulka gobolka, degmada iyo mas’uuliyiin uu guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ka mid yahay ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga hortagay garoonka diyaaradaha Baydhabo. Dowladda Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay ku howlanaa diyaarinta qaabkii loo dhisi lahaa maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, kaasoo ay diiddan yihiin mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol oo iyaguna horay maamul uga sameeyay Baydhabo. Sidoo kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maagaalada oo dhan lagu soo rogay bandow, lana joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo weli qaybo ka mid ah magaalada laga maqlayo rasaas dhacaysa. Madaxwehynaha Maamulka Koonfur-galbeed Madoobe Nuunow Maxamed iyo golahiisa wasiirrada ayaa ku sugan xarunta ADC-da Baydhabo iyadoo ciidan ka tirsan kuwa amniga ay isku wareejiyeen, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayaan inay xaruntaas gudaha u galaan. Dhanka kale, wafdi uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa lagu wado inay dhawaan gaaraan degmada Baydhabo si ay goobjoog uga noqdaan furitaanka shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Somalia. Madaxweyne Xasan iyo xubnaha dowladda Somalia ee jooga Baydhabo ayaa haatan ku sugan xarunta lagu dhisayo maamulka saddexda gobol, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay madaxweynaha la socdaan ciidammo gaar ah oo ka raacay Muqdisho. Booqashadan ayaa imaanaysa xilli uu jiro khilaaf xooggan oo isaga iyo ra'iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh u dhexeeya, kaasoo dibadda u soo baxay Sabtidii toddobaadkan, inkastoo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafkan oo cirka isku sii shareeraya. Xaalaadda magaalada Baydhabo ayaa kacsan, iyadoo baqdin xoog leh ay ka jirto, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono, iyadoo ciidamada AMISOM ee ka yimid Itoobiya ay ku sugan yihiin waddooyinka waaweyn ee magaaladaas. 

HargeysaOnline.Net