Xisbiga Kulmiye oo Lumiyay Taageeradii Gobolka Gabiley.
Posted by abdi on November 01 2014 23:01:27

Dadweynaha Gabiley ayaa ka Xuubsibtay Taageeradii ay u hayn jireen Xisbiga tallada Waddanka haya ee kulmiye.


Extended News

Dadweynaha Gabiley ayaa ka Xuubsibtay Taageeradii ay u hayn jireen Xisbiga tallada Waddanka haya ee kulmiye, iyada oo Maalmihii ugu danbeysay la arkayey taagerayshii xisbiga kulmiye oo ku kala biiraya Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.Taasina waxay keentay in Dadka Reer Gabiley ay muujiyaan inay taageero u hayna mucaaridka isla markaan Xukumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda ka sii jeedsadaan oo aanay wax taageero ah u ahayn , Mucaaridnimada Reer Gabiley ayaa Dhibaato weyn ku noqoysa Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo oo musharaxa Xisbiga Kulmiye ah Waxana imika muuqata in aanay waxa taageero ah ku haysan Gobolka Gebiley.Gobolka Gabiley ayaa Xisbiga kulmiye codadka ugu badan ka helay wakhtigii doorashada Madaxtooyada isagoo taageerayaal badan ku haystay gobalkaasi balse waxaan la garanayn sababta uu Xisbiga kulmiye u Lumiyay taageeradii uu ku lahaa Gobolka Gabiley balse warar hoose ayaa sheegay in Taageerada Reer Gabiley kala noqdeen xisbiga kulmiye ay ka danabaysa falal is daba joog ah oo ka dhacay Gobolka gabiley iyo cabashooyin badan oo ay tirsanayan kuwaasoo ay ka mid ahayd Dilkii sarkiishii Qurulugud oo aan ilaa haatan xukuumadu waxba ka qaban iyo Haldoorkii Gabiley ugu jiray Xukuumada oo badankoodii xukuumada siilaanyo shaqada ka caydhisay Halka badalkodiina way xukuumadu keentay qar aanay reer gabiley ku qanacsanayn taasoo gayaysiisay in Xisbiga Kulmiye Taageeradiisii Gobolka ku lumiyo isla markaana Calankiisa lagu gubo Gabiley.

HargeysaOnline.Net