Dab-shid Ay Sameeyen Ciidamada RRU-da oo Khalkhal Galiyey Hargeysa.
Posted by abdi on November 08 2014 23:54:43

Dab-shid ay Xeradooda ku Sameynayeen Ciidamada Booliska Gaar ahaana Ciidanka RRu-da ayaa Maanta Khalkhal Galiyey Dadweynaha Reer Hargeysa.


Extended News

 

Dab-shid ay Xeradooda ku Sameynayeen Ciidamada Booliska Gaar ahaana Ciidanka RRu-da ayaa Maanta Khalkhal Galiyey Dadweynaha Reer Hargeysa Kuwaasi oo la Yaabay Rasaasta ay Ciidamadaasi ku dhugbaranyeen oo laga maqlayey Meel baddan oo ka mid ah Magaalada Hargeysa.Ciidankan RRU-da ayaa Waxay Dab-shidkan ay ku sameynayeen Xeradooda loo yaqaan Birmadka oo ku taalla Xaafada PEPSI-ga ee Magaalada Hargeysa uuna dhow Xarunta Gobolka oo ay ku yaallan Xafiisyada Dawladu iyo Madaxtooyaduba.Dadweynaha reer Hargeysa ayaa dareen kala duwan ka bixinayey ciidamada xeradooda ku dhugbarayey oo riidayey rasaas aad u badan waxanay is waydiinayeen sababta Xiligan keentay in Rasaas intaasi leeg laga dhex maqlo magaalada iyada oo dadweynuhu u dhagtaagayeen hawlgalo ay ciidamada RRU-du ay ka sameeyeyn Guryo laga saareyey dad shicib kuwaasi oo dareen kala duwan ku abuuray shacabka, waxanay ka baqayeen in rashado ama iska horimaado ka dhacaan Hawlgalkaasi in kasta o si nabadleyo ah uu ku dhammaaday , Balse Muddo ka dib ay maqleen rasaas xoog baddan oo ka dhacaysay Magaalada kuwaasi oo u qaatay in meel kale ay dhibaato ka dhacday, waxanay dadweynaha reer Hargeysa ay saaka iswaydiinayey Waxa ay tahay rasaasta ay maqlayeen.Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ku dhugbaranayeen Rasaasta Rabadhka iyo ta faalsad ah iyo waliba Sunta dadka kaga ilmaysiisa oo dhawaan loo keenay iyada oo ku jirta Dhawr Koontiir, waxana isla bishan la soo badhigay Ciidamada sidda gaar loogu tababarayo qalabkaasi cusub.Dhawr Bilood ka hor waxa cabasho xoogan ka muujiyey Rasaastasi iyo waliba Sunta Dadka kaga Ilmeysiisa Xaafadaha la jaarka Xeeradaasi kuwaasi oo ka danbeeya Garoonka Dareeriska loo yaqan oo dhawr jeer ay u taalabtay Sunta dadka kaga ilmaysiisa kuwaasi oo xaafado baddani ku sumoobeen markii gurri ay degenayeen Qoys ay ku dhex dhacday Xabbad Sun ahi isla markaana ay xaafadaasi ku sumoowday.

 

HargeysaOnline.Net