Shir looga hadlayo Qabyaaladda & Xagjir-nimada oo ka furmay dalka Turkiga.
Posted by ifraax on November 10 2014 17:40:36

Shir looga hadlayo la dagaallanka qabyaaladda iyo xag-jirnimada ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkey.


Extended News

Shir looga hadlayo la dagaallanka qabyaaladda iyo xag-jirnimada ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkey, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ururka la dagaalanka qabyaaladda ee ATM (Anti-Trablism Movement) oo fadhigiisu yahay dalka Britain.


 
 Kulankan oo socon doona afar maalmood ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed iyo aqoonyahannada, waxaana looga hadli doonaa inta uu socdo qabyaaladda iyo xagjir-nimada.
 
 Culummada lagu casuumay shirkan ayaa waxaa ka mid ah, guddoomiyaha daladda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo ka hadli doona jihaadka. Dr Sheekh C/risaaq Maxamuud Takar oo isna ka hadli doona taariikhda Al-shabaab. Sheekh Maxamed Idriis Axmed, Sheekh Nuur Baruud Gurxan iyo Sheekh Maxamuud Yuusuf.
 
 Sidoo kale, shirka ayaa lagu casuumay, Canab Xasan Aw-Cilmi iyo Suldaano Axmed Maxamed oo labaduba ka hadli doona dhibaatada ururka Al-shabaab, iyadoo dagaalka ay ku jirto kooxda uu ka hadlay Maxamuud Ciid Maxamuud.
 
 Dhanka kale, abwaan Saciid Saalax iyo Abwaan Cabdi Shire ayaa iyaguna ka warbixiyay doorka fanka uu ka qaadan karaan la dagaalanka qabyaaladda iyo xag-jirnimada.
 
 Shirkan ayaa lagu wadaa inuu lasoo gaba-gabeeyo maalinta Arbacada ah ee soo socota, iyadoo laga soo saari doono war-mutiyeed ku saabsan sida looga hortegi karo qabyaaladda iyo xagjirnimada.

Hargeysa Online