Wefti Wasiiro ah oo ka socda Dawladda Itoobiya oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland.
Posted by ifraax on November 13 2014 18:55:25

Waxa shalay Kasoo degey gegida diyaardaha ee Cigaal Airport wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada horumarinta dhaqaalaha.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Waxa shalay Kasoo degey gegida diyaardaha ee Cigaal Airport wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada horumarinta dhaqaalaha ee dawlada federaalka Itoobiya H.E.Ato Sufian Ahmed Waxaana soo Dhaweeyay Wasiiro uu Horkacayo Wasiirka Maaliyada JSL Mudane Cabdi Casiis Mohamed Samaale oo ay wehelinayeen wasiirka wasaarada arrimaha Dibeda, wasiirka madaxtooyada, wasiirka ganacsiga, wasiirka wasaarada hawlaha guud.


waxayaabaha weftigu u socdo waxa ka mida hawlaha Dekeda,wadooyinka, laydhka,haamaha, ganacsiga iyo madaarada, waxaana weftiga dhinaca itoobiya ka mid ah wasiirka Gaadiidka H.E Ato Workneh Gebyehu 2. H. E Ato Ahmed Shide, Wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada iyo Horumarka dhaqaalaha, waxaanay wadanka joogi doonaan mudo sadex cisho ah.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Wasiiradda Somaliland ee weftiga qaabilay ayaa sheegay in ujeedada weftigani tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada Horumarka.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Itoobiya ayaa isna dhinaciisa uga mahadnaqay Somaliland sida diiran ee loogu soo dhaweeyey, wxaaanu xusay inay ka wadahadli doonaan mashaariic dhawr ah.

Wasiiradda Somaliland ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey weftiga Itoobiyaanka ah Hotelka Maansoor, halkaas oo ay kula yeesheen kulan is-xog waraysi ah, iyadoo muddada sadexda cisho ah ee ay joogaan ay tagi doonaan goobo muhiim ah.

Weftiga culus ee Itoobiyaanka ah ee Somaliland yimi waxay kala yihiin:-
1. H.E. Ato Sufian Ahmed, Ministry of Finance and Economic Development (MoFED)
2. H.E. Ato Workneh Gebeyehu, Ministry of Transport
3. H.E. Ato Ahmed Shide, State Minister, MoFED
4. H.E. Ato Ahmed Tussa, Director, Maritime and Logistics Services
5. Dr. Getachew Betru, Director General, National Railway Corporation
6. Amb. Solomon Abebe, Director General, Affrican Affairs, Ministry of Foreign Affairs
7. Ato kokeb Misrak, Director, Bilateral Cooperation, MoFED
8. Ato Wassihun Abate, Director, Legal Service, MoFED
9. Ato Bekele Negussie, Deputy Director General, Ethopian Road Authority
10. Ethiopian Electric Power
11. Ethopian Petroleum Supply Enterprise.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.