Haweeney la sheegay inay xiriir la lahayd Al-shabaab oo Toogasho lagu dilay.
Posted by ifraax on November 13 2014 18:59:09

Haweeney u dhalatay waddanka Britain oo si aad ah loo baadi-goobayay, Samantha Lewthwaite xiriirna la lahayd kooxda Al-shabaab.


Extended News

Haweeney u dhalatay waddanka Britain oo si aad ah loo baadi-goobayay, Samantha Lewthwaite xiriirna la lahayd kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay waddanka Ukraine.


Warbaahinta Ruushka ayaa baahisay in Samantha Lewthwaite oo 30-jir ah ay toogteen ciidammo Ruush ah labo todobaad ka hor, iyadoo warbaahinta caalamka ay aad u hadal hayaan dhismashada haweeneydan.

Samantha ayaa la sheegay in bil ka hor ay ku biirtay xoogagga ISIS ee ka dagaalama dalka Suuriya, iyadoo ka horna bar-bar dagaalameysay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, waxayna ku eedeysnayd inay qayb ku lahayd abaabulkii weerarkii suuqa Westgate ee magaalada Nairobi sannadkii 2013-kii.

Haweeneydan ayaa dhowr jeer la sheegay inay sugan tahay Soomaaliya, balse ma jirin cadeymo rasmi ah oo muujinayay inay Somalia joogtay, waxaase la sheegay in dhowr jeer lagu arkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale, Lewthwaite ayaa waxaa guursaday Germain Lindsay oo ahaa nin British ah oo isku qarxiyay boosteejada magaalada London sannadkii 2005-tii, iyadoo dalkeedii kasoo tagtay sannadkii 2005-tii, muddadaas oo dhanna ay ku noolayd dalal Afrika ku yaalla.

“Waxay ka mid ahay dadka argagaxisada xiriirka la leh ee sida weyn looga raadinayo caalamka; Samantha Lewthwaite hadda waxay qayb ka ahayd dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine waxaana dilay ciidamada meelaha fog wax ka toogta ee Ruushka” ayaa lagu yiri warka ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka.

Dowladda Ukraine ayaa hal milyan oo doollar dul-dhigtay askarigii dilkeeda geystay, iyadoo haweeneydan ay ahayd mid walaac weyn ku haysay dalka Britain oo ay dhalasho ahaan kasoo jeedday.

Hargeysa Online