Reer awdal oo ka soo horjeestay xilka qaadista gudoomiyaha wakiilada.
Posted by abdi on November 16 2014 00:09:25

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland isla markaana ka soo jeeda xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Hargeysa Online)Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland isla markaana ka soo jeeda xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa meel adag iska taagay qorshaha ay xukuumadu ka damacsan tahay inay shir gudoonka golaha wakiilada xilka kaga qaado gudoomiye Cirro.Xildhibaanadan oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ka soo hor jeedsaday qorshaha ay xukuumadu doonayso inay xilka kaga qaado gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.Xildhibaanadan ayaa ka dareeray fadhigii maanta ee golaha wakiilada, kuwaas oo sheegay inaanay xukuumada kula socon qaabka ay doonayso inay u martoa xil ka qaadista gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Hargeysa Online