Siilaanyo oo Xarigga ka jaray Waddo isku Xiri doonta Hargeysa iyo Salaxleey.
Posted by abdi on November 17 2014 00:10:36

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray 5KM oo ka mida wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxleey.


Extended News

 

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray 5KM oo ka mida wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxleey, waxaanay illaa hadda maraysa dhismaha waddadaas cusub oo 28-km taasoo ay xukuumadda iyo shacabka deegaanku iska kaashadeen. Munaasabad qado-sharaf ah ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa lagu sameeyey deegaanka Qool Caday ee koonfurta magaaladda Hargeysa, taas oo ay ka soo qaybgallen guddida dhismaha wadadan, Madaxdhaqameedka, Masuuliyiin degmada, Haween weynaha iyo shacbiga degmada Salaxlay.Waxaana halkaasi ka hadlay madax faro badan oo ka hadlay qiimaha wadadani u leedahay qaranka iyo sidda wadooyinku uga qaybqaataan horumarka iyo koboca dhaqaale ee dalka.Ugu dembayn madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa soo dhoweeyay waddan oo uu ku tilmaamay mid horumarka ka qayb-qaadanayso, isagoo xusay in sidii markii hore uga qaybqaadan jireen ay mar walba uga qaybqaadanayaan dhismaha wadan iyo dhamaan wadooyinka dalka ka socda.“Dadweynaha reer Sallaxley aad iyo aad baan ugu mahad celinaynaa soo dhoweynta aad noo samayseen waana wax idiin caadi ahayd, waxaana farxad weyn inoo ah inaynu ka qayb-qaadano wadadda dhismaha, waajib baa naga saaran in qarankan horumarkiisa ka shaqayno”ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey munaasibadda xadhig ka jarista wadaddan isku xidhi doonta Hargeysa iyo Degmadda Sallexlay.Madaxweynuhu wuxu sheegay inay dalka ku qabsadeen doorasho, isla markaana ay dalka kaga tagi karaan uun Doorasho, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Horumarka iyo nabaddu waa wax muhiim u ah qarankeena iyo horumarkiisa, waxaanu dalka kula wareegnay waa Doorasho doorasha uun baana kaga tagi karnaa inta ka horeysana ummadda ayaanu u shaqaynaynaa”.Sidoo kale, dadweynaha deegaankan ayaa si weyn usoo dhoweeyey madaxweynaha, isla markaana uu u ballanqaaday inuu Wadadan qayb libaax leh ka qaadan doono, isagoo soo dhoweynta shacabkaasna uga mahad naqay.

Hargeysa Online