Ganacsato Soomaaliyeed oo Xalay lagu dilay Duleedka Magaalada Cape-Town.
Posted by ifraax on November 19 2014 18:57:03

Kooxo burcad ah ayaa xalay toogasho ku dilay laba ganacsade oo Soomaali ah, kaddib markii ay weerareen dukaamo ganacsi oo ay Somalidu ay ku leedahay.


Extended News

Kooxo burcad ah ayaa xalay toogasho ku dilay laba ganacsade oo Soomaali ah, kaddib markii ay weerareen dukaamo ganacsi oo ay Somalidu ay ku leedahay duleedka magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee la dilay ayaa magacyadooda lagu soo gaabiyay Sadiiq iyo Yaasiin, waxaana kooxaha dilkooda geystay ay boob iyo bililiqo u geysteen dukaamadoodii.

Qaar ka mid ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee Koonfur AFrika ayaa sheegay in burcadda oo ku hubeysnaa bastoolado iyo hub kale oo ay baangado ka mid ah yihiin ay soo weerareen deegaanka oo Soomaali badan ay ganacsi ku lahaayeen.

Marxuumiinta ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Koonfur Afrika, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ay dilka ku saleysan isir-nacayb iyo weerarro si gaar ah loogu hayo ajaanibta dalkaas ku nool.

Sidoo kale, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa madaxda dowladda federaalka Somalia ka dal-baday inay wax ka qabato dilalka joogtada noqday ee lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ganacsato Soomaaliyeed lagu dilo dalkaas, iyadoo la xusuusto in boqolaal ganacsato Soomaaliyeed ah siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika, halkaasoo ay u raadsadeen nolol dhaanta tan Soomaaliya ay ku haysteen.

Hargeysa Online