Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada dilkii 28 Ruux oo Kenyan ah.
Posted by abdi on November 22 2014 23:58:35

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saaka lagu dilay 28-ka qof ee Kenyan ah, kaas oo ka dhacay duleedka Mandhera. 


Extended News

 

 

 

 

 

 

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saaka lagu dilay 28-ka qof ee Kenyan ah, kaas oo ka dhacay duleedka Mandhera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyadoo dadkan ay ka mid ahaayeen rakaab la socday bus u socday Nairobi. War-saxaafadeed uu ku saxiixnaa afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay iyagu ka dambeeyeen uuna ahaa mid ay ugu aar-gudayeen dhibaatada dadka muslimiinta ah loogu geysanayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya. Sarkaal u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 28 ruux weerarkaas lagu dilay, iyadoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo dadkii buska saarnaa intooda badan macallimiin wax ka dhiga iskuullada magaalada Nairobi. Dhanka kale, saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dabley soddomeeyo qof ku dhow oo aad u hubeysan, kuwaasoo dadkii saarnaa gaariga ay kala sooceen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimka ahayn, iyadoo rakaabka ka dalbanayay inay aaydaha Qur’aanka Akhriyaan. Xoogaggii weerarka geystay oo Al-shabaab ka tirsanaa ayaa la sheegay inay si nabad-galyo ah uga tageen goobtii ay dilalka ka geysteen, iyadoo uu ka mid noqonayo weerarkan kuwii ugu xumaa ee sannadkan ay Al-shabaab ka geysato gudaha dalka Kenya. Ciidamo fara badan oo Kenyan ah ayaa la soo dhoobay deegaanka Cumar Jilico uu falkan ka dhacay, kaasoo 30-km dhanka bari ka xiga Mandhera oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Kenya oo ka hadashay weerarkan ayaa ku tilmaantay weerarkan mid lagu dilay dad aan waxba galabsan oo u badan macallimiin, iyagoo ku daray intaas in dad aad u yar oo rakaabkii ka tirsanaa ay ka badbaadeen.

Hargeysa Online