Golaha guurtida Somaliland oo soo Af-jaray Khilaafkii u dhexeeyay Wakiillada.
Posted by abdi on November 23 2014 00:19:06

Guddiddii golaha Guurtidu u xilsaartay dhex-dhexaa-dinta khilaafkii golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta soo saaray go’aammo ay ku soo afjarayaan khilaafkaasi.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddiddii golaha Guurtidu u xilsaartay dhex-dhexaa-dinta khilaafkii golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta soo saaray go’aammo ay ku soo afjarayaan khilaafkaasi. Kallan ay xildhibaanadda labadda gole baarlamaan (Wakiiladda iyo Guurtidda) ay maanta iskugu yimaadeen hoolka golaha Guurtidda ayaa lagu xalliyey khilaafkaasi, waxaanay labaddii dhinac ee muranku ka dhexeeyey sheegeen inay raalli ka yihiin go’aankaasi golaha Guurtiddu gaadhay.Go’aankii golaha Guurtiddu ka soo saartay khilaafkaasi ayaa u qornaa sidan:“Gudddiggii Golaha Guurtiddu u xilsaaray dhex-dhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiiladda JSL ee Maalintii 15/10/2014, kuna saabsanaa mooshinkii xil-ka qaadista Guddoomiyah Golaha, ayay guddigu fadhigoodii ugu horeeyay ku samaysteen Ajandahoodii, waxayna labaddii dhinac ku wargeliyeen cidii u matali lahayd dooddooda wada-hadalka, iyaga soo raacinaya warqadihii kalsooni-bixinta.Intaas ka dib waxay Gudigu kulamo kala gaar –gaar ah la yeesheen labadii dhinac, kagana dhegaysteen dacwadahoodii af iyo qoraalba. Hadaba, Guddigii Golaha Guurtiiddu u xilsaaray dhex-dhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiiladdu;Markii ay dhegaysteen dacwadaha dhicanyada khilaafku ka taagna; Markii ay arkeen, akhristeena qoraaladii kala duwanaa ee dhinacyadu u soo kala gudbiyeen ;Markii ay darseen, lafa-gureen qoraaladii ay is waydaarsadeen labada Guddoomiye( Guurtidda & Wakiiladda), kuna saabsanaa mashruuca Xeer No:- 37/2007 ee wax-ka -bedelka iyo kaabista diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muwaadidniinta;Markii ay guddigu yeesheen falanqayn iyo dood -dheer waxa u sugnaaday, yaqiina noqday Arrimahani:-B. In Msharuuca Xeer No: 37/2007, ee wax-ka-bedelka iyo kaabista diiwaangelinta cod-bixiyayyaasha iyo Muwaadiniinta la geliyay khaladaad iyo laaxin qoddobada qaarkood markii loo soo Gudbinayay Golaha Guurtidda ee Coddayntii Golaha Wakiiladda ka dib.T. Curyaamin ku timad habsami-u-socodkii hawlaha Golaha oo ay ahayd in la ansixiyo Xubnihii Loo soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Ansixinta Miisaaniyadda 2015 IWM.J. waxa caddatay in khilaafkaasi u dhaliyay khal-khal siyaasadeed, Nabad-galyo iyo jahawareer saameeyay Bulashada Reer Somaliland Gudo iyo Debadba, horseedayna deganansho la`aan iyo xasilooni-daro.Sidaasi darteedna, Guddigu iyago xeeriyay, tix-galiyay maslaxadda guud ee Qaranka ee siyaasadeed, Nabad-galyo,dhaqaale, horumarin bulsho, geedi socodka hananka dimuqraadiyadda, hiigsiga Mustaqbalka fog ee reer soomalilamd , midnimada iyo wada jirka shacabka;Waxay go’aamiyeen qoddobaddan:Waxa la-laalay mooshinkii xil ka qaadista Guddoomiyah Golaha Wakiiladda, wadeena dhinicii uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Goluhu.

 

 

 

Loomana soo jeedin karo mooshin ku saabsan xil ka qaadis, ilaa inta ka horaysa waqtiga uu xeerku u cayimay xil ka tegista musharaxa u tartamaya xilka madaxwayne.Khaladadkii ku dhacay mashruucii xeer ee wax-ka-beddelka iyo kaabista xeer No 37/2007, kuna saabsanaa diiwaangalinta cod-bixiyayaasha iyo muwaadiniinta , mas`uuliyaddeeda u leeyahay Guddoomiyah Golaha Wakiiladdu, maadaama uu yahay mas`uulka ugu sareeya maamulka Golaha, leeyahana saxeexa gudbinta xeerarka IWM.Waxa khalad ahayd baajintii ku timid kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee 26/10/2014, looguna tala galay ansixintii xubnihii komishanka Qaranka iyo Miisaaniyadda 2015 IWM,Waxaa waajib ku ah Guddoomiyah Golaha wakiilada inuu xildhibaanada Golaha ku maamulo , kuna hoggaamiyo dhex-dhexaadnimo, isla markaasina uu meel-mariyo oo kaliya Go`aamadda uu Goluhu aqalbiyadda ku ansixiyo.Xeerarka ka gudbaya Golaha Wakiiladda , ansixinta Mudanayaasha ka-dib, waa in shir-gudoonku iska hubiya Gudbinta ka hor.Xubnaha Golaha Wakiiladdu, waa in ay wajibaadkooda si hagar la`aan ah u gutaan, dhamaanbana hawlaha muhiimka ee horyaala u socodsiiyaan si habsami ah oo xilkasnimo ku jirto.Iyadoo la- tix-galinayo, lagana taxadirayo sii jiitan iyo khilaaf dambe oo sabab u noqda dib-u dhac ku yimaada doorashooyinka, waxa Golaha Guurtidda loo xilsaaray inuu xal-ahaan u saxo khaladaadkii mashruuca xeer ku dhacay, isla- markaana ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah. (Mashruucii xeer No 37/2007,ee wax-ka- beddelka iyo kaabista xeerkii diiwaangalinta cod-bixiyaasha iyo muwaadinninta ).Xukuumadda wax xil-ka saaranyahay dhawrista xisaanadda mudanayaasha, mudanayashana waxa waajib ku ah in aanay sharciga gacanta ku qaadan, falagaraansahana ka fogaadaan, isla markaasina aanay bulshada u horseedin khal-khal iyo degaansho la`aan.Illaa inta laga gaadhayo waqtiga xeerku u jideeyay ololaha tartanka doorashooyinka, waxa ka reeban xisbiyadda Qaranka, wax u muuqan karaya olole iyo abbaabul dad-wayne, ahna shacaa`ir kasta oo muujiniya kaanbayn doorasho (Election Campaign ).Ugu dambayntii, waxan mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL ugu baaqaynaa in ay si xil-kasnimo iyo midakarnimo ku jirto u gutaan mas`uuliyadda ay ummadda u hayaan,haybada Golahahoodan Ilaalilayan.Waxaan dhamaanba u rajaynaynaa Mudanayaasha Guull iyo in loo midoobo danta iyo maslaxada shacbiga reer soomaaliland.”Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro iyo Gudoomiye ku xigeenka Baashe Maxamed Faarax oo kala hogaaminayey labadda dhinac, waxaanay sheegeen inay caqballeen go’aankaasi golaha ka soo baxay.Intaas kaddib waxay shirgudoonkii golaha Wakiilada, Guurtidda iyo guddiddii loo xil saaray khilaafku waxay xafiiskiisa ku booqdeen madaxweynaha, kuwaas oo dhinacyaddii is hayey halkaasi khilaafkooddii ku soo afjaray.

Hargeysa Online.