Shirweynahii Laanta Bristol oo Wiig dib loo dhigey.
Posted by ifraax on November 23 2014 09:02:20

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI  Mudane Axmed Muumin Seed  iyo Agaasimaha Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI.


Extended News

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI  Mudane Axmed Muumin Seed  iyo Agaasimaha Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI Marwo Yaasmiin Raygal oo ay weheliyaan  Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI UK Mudane Xuseen Aadan Cadde iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani lana rajaynayey inay Bristol yimaadaan Axaddan 23 Nov 2014 ayaa iyaga oo Madal Hawl Waddani lagu hayey oo caasimadda London ku taal wada jooga si milgo iyo maamuus leh ula soo xidhiidheen  Masuuliyiinta ku hawlan ama Daneeyayaasha Shirweynaha Xisbiga Waddani Laanta Bristol oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Shirweynaha laanta Bristol.

Hogaanka Xisbiga iyo Madaxda la joogtay waxay ugu horayntii  ka cudur daarteen shirka la qorsheeyey Axaddan 23 Nov 2014 waxaanay xuseen in hawlo muhiim ah oo ku soo kordhay awgood aanay suurto gal u ahayn inay Bristol yimaadaan Axaddan inkasta oo ay jeclaayeen. Hase yeeshee  waxaa lagama maarmaan ah ayey yidhaahdeen in laysu yimaadao oo la wada tashado oo lays Xogwaraysto waxaana Hogaanka Xisbiga WADDANI  talo ku soo jeediyeen in Wafdiga Dalkii ka yimi iyo shirweynaha laanta Bristol laysu joojiyo oo  todobaad dib loogu dhigo si fursaddan shirweynahana si wanaagsan looga faa’iidaysto.

Hogaanka iyo Madaxda Xisbiga Waddani ee heer Qaran waxa kale oo ay la xidhiidheen  xalayto madaxda laanta iyo Masuuliyiin kale oo saamayn weyn ku leh hawlaha iyo Horumarinta Xibiga WADDANI Laanta Bristol waxaanay Xubnahaas laftooda ka codsadeen in Shirka dib loo dhigo si Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed ay Shirweynaha laanta u Daah Furaan, unna dardar galiyaan Xubnaha Xisbiga isla markaana Xaqiiqada Dalkii taallana uga Xogwaramaan.

Isku soo wada duuboo Hogaanka iyo Madaxda kale ee Xisbigu waxay codsadeen in todobaad dib loogu dhigo shirka waxaanay balan qaadeen in muhimadda 1aad ay siinayaan Dardar galinta WADDANI  ee Bristol kana soo qayb galayaan Shirweynaha laanta Brsitol haddii la qabto Axadda Dambe 30 Nov 2014.

 

Axmed Naasir Xirsi

Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabad

Shirweynaha Waddani Laanta Bristol UK.