Faysal Cali Waraabe oo Niyad Jab ka muujiyey Xaalada dalku marayo.
Posted by abdi on November 29 2014 21:45:27

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka Dayriiyey Xaalada Dalku marayo isaga oo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in marka uu Wakhtigu ka dhammaado uu si sharaf leh Xilka uu u Baneeyo.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka Dayriiyey Xaalada Dalku marayo isaga oo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in marka uu Wakhtigu ka dhammaado uu si sharaf leh Xilka uu u Baneeyo, Waxa kale oo uu dhaliilay Siyaasada Arrimaha Dibada oo uu sheegay in Dalkii soo xidh-xidhmay, waxa kale oo Walaac ka muujiyey Farro galin uu sheegay in lagu hayo Komishanka Doorashooyinka oo uu Tilmaamay in Beesha Dhexe ee isaaq isku haystaan Guddoomiyenimada Komishanka isag aoo nasiib darro ku tilmaamay, waxaanu ku baaqay in komishanka loo daayo Ciida ay Guddoomiye ka dhiganayaan haddii kale Guddoomiyaha loo daayo Beelaha Darafyada.

Faysal Cali Waraabe waxa uu niyad jab ka muuhjiye halka ay Somaliland marayso oo uu tilmaamay in haddii Tallo Qaran laga yeelan waayo uu Dalku uu inagu dul Dumidoono.
Sidaasi wax auu ku sheegay Mar uu Warbaahint augu warameyey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal oo Arrimahasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Musuqmaasuqii Baa Ciida ka Batay oo Gaaladii Qoraysaa, Qabiilkii iyo Qabyaaladii ayaa korodhay oo waynu is cayeynaa oo waynu is nacnay, marka haddii aynu siddan Doorasho ku galno waxaan ka baqayaa in Nabadgelayda aynu haysanaa Halis gasho, marka Jaawi Doorasho lagu gallayaa meesha kama Muuqdo, Doorashada Horteed waxaan leeyahay Shir qaran ha la qabto, ha laysdhegeysto, cabashada beelaha ha la dhegesyto oo beelaha hareeraha ha la soo dhaweeyo.”Ayuu yidhi.

isaga oo ka hadlaya Loolanka loogu jirro Guddoomiyenimada Komishanka ayaa waxa uu yidhi. “waxa nasiib darro ah in komishankii Doorashooyinka beeshii Dhexe Guddoomiyihii ay ku tartamaysaa oo la leeyahay beel heblayo ha la siiyo marka haddii aynu nahay Ummad aan waxba ka taggay oo wax kasta qaadanaysa Sideebay Beelihii Darafyadu inoola noolanayaan oo xaata Beeshi dhexe aanay wixii ku heshiis ahayn oo Jilib Jilib ay isku haysataa, sidda qaran laguma dhisan karo, dhalinyarada in la Khiyaameeyo ma ah meeshan Himilo qaranimo ma socoto, Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, waxa socota qof walbaba wuxu heli karo in uu boobo, Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hiifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan oo Dalkiiba inagii ayey inooga baqanayaan in aynu gacmaheena ku burburino, haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto.”Ayuu yidhi.
Isaga oo Hadalka sii waatan waxa uu yidhi. “Siyaasad Dibadeed ma lihin, Mid dhaqaale ma lihin, Mid Difaac ma lihi, Mid Biyo ma lihin, maanta dalkeenii waa la soo toosayaa waa la qayilayaa, waana lays caayayaa, oo qabiil baa lagu noqday, qabiilna wa aka Somaliya Baabiiyey, Madaxweynaha waxaan leeyahay wax dhaxal gal ku noqda ka tag ninweynbad tahay waa lagu sharfay, ee Sharaf dalkan kaga tag marku wakhtigaagu dhamaado, laakiin sidda imika muuqata waxa socota Fawdo, ismaqalwaaba ka socota, Baratakool xumo ayaa ka socota, sharcigii oo laga talaabsaday ayaa la marayaa

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.