Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyey Komishankii Doorashooyinka.
Posted by abdi on November 29 2014 21:51:16

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa lagu ansixiyey Komishankana Doorashooyinka Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa lagu ansixiyey Komishankana Doorashooyinka Somaliland, Fadhiga Golaha ee Maanta oo uu shirgudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxa ka soo xaadiray 69 Xildhibaan.

Xubnaha Komishanka oo Cod Gacan taag ah lagu meel mariyey ayaa Mid mid loogu gacantaagaya Xubin walba waxa u Codeeyey 69 kii Xildhibaan ee Golaha Kasoo Xaadiray Cid Diiday iyo Cid Aamustay toona May jirin.

Xunbahan Komishanka Doorashooyinka ayaa in mudo ah aan la ansixin kadib markii la soo magacaabay iyagoo la kow saday Murankii Golaha Wakiilada ee ka dheshay Xeerkii Diiwaan Galinta Madaniga ah, Hase yeeshee waxa Maanta Si rasmiya loo ansixiyey Komishankaasi waxayna Guda Gali doonaan Hawlihii shaqo ee loo igmaday.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.