Dagaallo Todobaadyo ka socday dalka Liibiya oo ay ku Geeriyoodeen 400-qof.
Posted by ifraax on December 01 2014 01:02:27

Ugu yaraan 400 qof ayaa ku geeriyooday dagaallo si xiriir ah uga socday lixdii toddobaad ee lasoo dhaafay magaalada Benghazi oo ah midda labaad ee ugu weyn magaalooyinka Liibiya.


Extended News

Ugu yaraan 400 qof ayaa ku geeriyooday dagaallo si xiriir ah uga socday lixdii toddobaad ee lasoo dhaafay magaalada Benghazi oo ah midda labaad ee ugu weyn magaalooyinka Liibiya.

Dagaalladan ayaa u dhexeeya ciidammo ka tirsan kuwa xukuumadda iyo xoogag taabacsan kooxda akhwaanul muslimiinta Liibiya, iyadoo ciidamada xukuumadda Liibiya oo uu hog-gaaminayay taliye cusub oo dhowr bilood ka hor la magacaabay ay ku guuleysteen inay deegaanno badan oo uu garoonka magaaladaas ka mid yahay ka saaraan xoogagga deegaanka.

Saddexdii toddobaad ee ugu horreysay ayaa waxaa dagaalladu ay sababeen inay xiranto dekedda magaaladaas, taasoo culeys ku keentay raashinkii uga soo degi jiray magaaladaas dekedda.

“Illaa hadda dhimashadu waxay maraysaa 400 oo qof,” ayaa laga soo xigtay dhakhaatiirta isbitaalka Benghazi, balse ilo wareedyo isbitaalka ka madax-bannaan ayaa sheegaya in tiro intaas ka badanna ay ku dhinteen dagaalka.

Colaadaha ka taagan Benghazi ayaa qayb ka ah loolala xagga awoodda ah ee dalkaas ka taagan, iyadoo laba dowladood oo si kala gooni-gooni ah Liibiya looga dhawaaqay ay isku garbinayaan sidii ay u noqon lahaayeen midda dalkaas xukunta, iyadoo dagaalladana ay billowdeen saddex kaddib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas Mucamar Al-Qadaafi.

Bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay ayaa ra’iisul wasaaraha dalkaas, C/llaahi Al-Thanni lagu qasbay inuu isaga baxo magaalada Caasimadda ah ee Tripoli; kaddib markii koox lagu magacaabo Liibiya cusub ay qasatay caasimadda.

Maxamed Al-Xijaasi oo u hadlay kooxaha ka horjeeda dowladda dalkaas ayaa sheegay in ciidamadooda ay hareereeyeen agagaarka dekedda Benghazi. “Hub kala duwan oo ay ku jiraan hub culus oo lidka diyaaradaha ah ayaan la wareegnay.”

Dalalka dariska la ah Liibiya ayaa baqdin ka qaba in dagaalladan ay aakhirka isku bedelaan colaado sokeeye. iyadoo tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii Qadaafi ay dhowr jeer oo isku xigta dagaallo culus ka dhaceen meelo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.

Western powers and Libya's neighbours fear the conflict is dragging the major oil producer towards civil war. Iyadoo dalal ay Masar ka mid tahay lagu eedeeyay inay taageeraan kooxaha mucaaradka ah, inkastoo kooxdu ay arrintaas iska fogeysay.

Hargeysa Online