Adna Aadan oo cadaalada darrada Dalka ka jirta ku sifaysay Ilko Suus galay.
Posted by ifraax on December 01 2014 17:45:33

Drs: Adna Aadan Dhakhtar oo ka mid ahayn marti sharaftii shalay lagu marti-qaaday furitaankii dhismaha Dahabshiil Bank.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Drs: Adna Aadan Dhakhtar oo ka mid ahayn marti sharaftii shalay lagu marti-qaaday furitaankii dhismaha Dahabshiil Bank ayaa si adag u dhaliishay cadaaladda Dalka, iyadoo ku sifaysay in uu suus u galay sida Ilkaha bini’aadamka oo kale.

Marwo Adna waxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo madasha fadhiyey ka codsatay in loo baahan yahay in wax laga qabto oo la muujiyo xilkasnimo iyo wadaninimo loogu cadaalad falo Bulshada.

sidoo kale waxay xustay inay su’aalo badan iska weydiiso sababta Qaranka loogu eegayo cadaaladda darada waxaanay tidhi “Qaranku waa ilkaheenaas oo kale wuu cad yahay, waa nadiif haddii suus yari galo inta kale wuu saameeyaa waxaa looga baahan yahay illaalinteeda Dowladda oo ay caddaaladuna ka mid tahay in suuska laga saaro. marar badan ayaan is waydiiyaa Tolow ma Dad aan u Dam-qanayn baa dalkan loo dhiibay, mar na waxaan is idhaa ma dad aan aqoon u lahayn baa loo dhiibay, waxaan leeyahay Bulshada yaan lagu eegin.”

Marwo Adna iyadoo hadalkeeda sii wada waxay ku soo xidhay hadalao dar-daaran ah oo ay Madaxweynaha ujeedisay “anigii ka faa’iidaysanaya munaasibadan bulshada yaan lagu eegin Cadaaladda xumada, dalkeena waxa loo baahan yahay inaynu ku dhisno cadaal, Daacadnimo, xilkasnimo iyo wadaninimo.” ayay kaga baxday hadalkeeda.

 


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.