Puntland oo lagu eedeeyay in ay Qariyaan Xoogagga Al-shabaab.
Posted by ifraax on December 01 2014 18:04:24

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar (Camey) ayaa shacabka ku nool Puntland ku eedeeyay inay qariyaan xoogagga Al-shabaab.


Extended News

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar (Camey) ayaa shacabka ku nool Puntland ku eedeeyay inay qariyaan xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira maamulka Puntland.

C/xakiin Camey ayaa xusay in shaqsi ahaan uu la kulmay dad daba-socda xoogag uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu hayo dambigii ay galeen iyo qalabkii ay ku galeen, kuwaasoo ka dalbaday in loo sii daayo caruurtooda oo ay sheegeen inaysan wax dambi ah lahayn.

“Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxda Al-shabaab, waxaase la yaab leh inay shacabku qarinayaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee dhibaatooyinka ka geysanaya deegaannada Puntland,” ayuu yiri C/xakiin Camey.

Sidoo kale, madxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in markii ay ciidanka amnigu qabtaan koox Al-shabab ka tirsan oo guri deggen, lana weydiiyo milkiilaha guriga inuu garanayay raggan ayuu sheegaa inuusan garanayn, balse uu uga kireeyay sidii qof guri doon ah.

“Milkiilayaasha guryaha waxaa laga doonayaa inay iska eegaan qofka ay ka kireynayaan gurigiisa, waayo waxay tani qayb ka tahay sugidda amniga guud ee Puntland,” ayuu ku boorriyay Camey shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka maamul ahaan inay ka hortagaan khatar walba oo kaga iman karta Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox ka shaqeynaysa amni-darro kusoo kororta deegaannada Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu tan iyo 2010-kii dagaallo kula jiray kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo fariisimo ku lahaa buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, inkastoo maamulka Puntland uu dhawaan sheegay inay ciidamadiisu la wareegeen dhulka buuraleyda ah.

Eedeyntan loo jeediyay shacabka Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan maamulkaas uu u jeediyo shacabka, iyadoo Al-shabaab ay dhowr jeer weerarro kala duwan ka geysatay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida magaalada xaraunta ah ee Garoowe.


HargeysaOnline.Net