Dahabshiil Calgary ee Canada oo la dhacey.
Posted by abdi on December 06 2014 23:30:03

Niman hubaysan oo aan haybtooda weli aqoonsan oo wejiga soo duubtay ayaa weerar hubaysan ku soo qaaday xarunta Shirkadda Dahabshiil.


Extended News

Niman hubaysan oo aan haybtooda weli aqoonsan oo wejiga soo duubtay ayaa weerar hubaysan ku soo qaaday xarunta Shirkadda Dahabshiil, ay ku leedahay magaa lada Calgary, ee dalka Canada.Nimankan hubaysan ayaa laga soo waramayaa in iyaga oo wejigu u duuban yahay ay soo galeen xarunta Shirkadda Dahabshiil, uu ku leeyahay magaalada Calgiry, ee dalka Canada, waxaanay biilaabeen in ay rasaas ooda kaga qaadaan shaqaalihii iyo hawl-wadeenadii shirkadda ee xaruntan ku sugnnaa, balse, muraayadaha xafiiska xaruntan oo ahaa nooca aanay rasaastu karin awgeed, ayay nimankan hubaysani rasaastii uga.dusiyeen shaqaalihii Shirkadda ee xaruntan ka hawl-galayay daloolkii yaraa ka banaannaa muraayada ee loogu tallo-galay in ay macaamiisha looga adeego, taas oo keentay in rasaastii ay ridayeen uu dhaawac halis ahi ka soo gaadho wiil shaqaale ka ahaa xaruntan la weeraray ee Shirkadda Dahabshiil, waxaana lagu soo waramayaa in ay rasaatu ka haleeshay dhuunta. waxaanu warku intaa ku daray in dadkii macaamiisha ahaa ee xilliga weerarkani dhacay ku sugnaa gudaha xaruntan Shirkadda, in ay cagaha wax ka dayeen si ay nafahooda ula baxsadaan.Wiilkan Shaqaalaha ka ahaa Xaruntan la weeraray ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac halis ahi ka soo gaadhay rasaastii ay ooda kaga qaadeen nimankan hubaysani, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladiisa caafimaad ay aad u adag tahay oo uu ku jiro Kooma ay noloshiisu u dhaxayso nolol iyo geeri, waxaanu waxa kale oo warku uu intaa ku daray in markii weerarkani dhacay kaddib, ay goobta yimaadeen ciidamada booliska ee magaalada Calgary, ee dalka Canada, iyaga sla markiiba goobta ka bilaabay baadhitaano xoog leh oo loogu jiro sidii loo gacanta loogu soo dhigi lahaa dablaydan hubaysan ee weerarkan soo qaaday, isla marakaana ay aad u adkeeyeen ammnigii xarunta weerarkani ka dhacay.Ma jiraan wax war ah oo xaqiijinaya inta uu leeg yahay khasaaraha hantiyeed ee ay nimankan hubaysan ee weerarkan soo qaaday ay u u geysteen xaruntan Shirkadda Dahabshiil, ee magaalada Calgary, ee dalka Canada.Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo rasmi ah oo cadaynaya cida ay ahaayeen nimankan hubaysan ee weerarkan soo qaaday, iyo ujeedadda ay ka lahaayeen toonna, balse waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo tibaaxaya in nimanka weerarkan geystay ay u dhasheen dalka Koonfurta Sudan.

 

Hargeysa Online.Net