Baashe faro baruur oo Qaatay Qandaraaska Dhismaha Wasaarada Macdanta.
Posted by abdi on December 08 2014 08:49:15

Wiilka uu sodaga u yahay madaxweyne Siiraanyo oo gacantiisa midigna ah, kuna leh Somaliland.


Extended News

Wiilka uu sodaga u yahay madaxweyne Siiraanyo oo gacantiisa midigna ah, kuna leh Somaliland awood-qoyseed oo uu wuxuu doono ku meelmarsado, Baashe Cumar, isla markaana ah gacanta midig ee marwada madaxweynaha , Aamina -waris, ayaa waxa uu socdaal ku tagey dalka Turkey-ga, markii isagoo Dubai ku sugan saxeexa loogu duugay qandaraasyada uu horba inta uu qaato sii dilaali jiray ee dhismayaasha xarumaha wasaaradaha dawlada. Markana waxa uu qaatay ta Wasaarada Macdanta oo wasirkiisa ay isku yihiin ul iyo diirkeed.

Habka loo bixiyo qandaraasyada qaranka oo aan bulshada Somaliland si cad loogu soo ban dhigin si ay ugu tartamaan, balse dad loo abtiriyey qab qaraabo iyo xigaalaysi loo siiyey. ayaa Baashe waxa uu ka mid yahay raga bixiya qandaraasyada ama qaata ee sii siiya cid u fulisa, qarankana dul saarat lacago dheeraad ah, kuwaas oo la raaciyo qalabka wax lagu dhisayo ee dibada laga dalbado.

Haddaba wiilka uu madaxweyne Siiraanyo sodoga u yahay oo ka taajiray laguna qiyaaso in uu aftartii sano ee ugu dambaysay qaranka ka helay aduun dhan ilaa iyo afar malyuun oo Doolar oo u kala yaala gudaha dalka iyo dibadiida, suuba dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ku yeeshay awood buuxda dalka, ayaa doorkan si badheedh ah ugu hawlgalay dhismaha qandaraas ee wasaarada wasiirkiisa ay aad iskugu shushubtaan oo qarankan Somaliland hanti badan oo lacageed kaga weecsaday bangiyo iyo xawalado dalka dibadiisa ah, waa wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo saxaafada Somaliland qaar ku tilmaamaan "Mucjisada maal urursiga" ee Somaliland abdi soo marata.

Baashe Cumar ayaa doorkan soo iibinta qalabka iyo helista khuburo uu qaranka kaga qaado lacago badan oo lagu sheego in ay xarun wasaaradeed u dhisayaan Somaliland, ayaa u tgey dalka Turkiga oo sidoo kale ay kulan ku lahaayeen wasiirka madatooyada, wasiirka arimaha dibada iyo xubno ka socda wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya oo halkaa ku yeeshay shir aad u weyd ah oo u muuqday in uu ahaa lugooyo.
Hoosta waxa ka muuqda business card kiisa oo muujinaya awooda uu madaxtooyada kul ee yahay Baashe Cumar oo 'xidid-ku-xoolow' ah'
Qandaraaskan dhismaha daar cusub oo loo dhiso wasaarada macdanta ayaa qayb ka ah kuwa gudoomiyaha qandaraasyada Somaliland, Aadan Sugaal, oo taariikhda ku galaya in uu noqdo gudoomiyihii hay'adaas oo aan Ilaahay iyo bili'aadam midna ka xishoon balse eex iyo qabyaalad cad ku bixiyey in kabadan dhawr iyo tobankii mashruuc ee ugu muhiimsanaa ee Somaliland yeelato mudadii uu madaxweyne Siiraanyo ahaa hogaanka dalka, ayaa ka mid ah kuwa xukumada Somaliland ay ka caawiso dawlada Maraykanka oo Somaliland iyo dalka Koonfurta Sudan lagaga caawinayo dhismaha xarunaha hay'adaha dawliga ah, kaas oo macnaheedu yahay in aan lacag bixin jeebka cashuurta qaranka, balse haddana xukumadu ku darsato waxqabadka xukumada ee ay ku fulisay cashuurta dadku bixiyaan.
waxa kharashka dhismaha xarunta wasaarada macadanta yahay mid ay doonayaan in ay ka faa'iidaystaan oo lagu dalaco kharash badan oo lagu sheego dhismaha wasaaradaasi, maadaama aanay jirin cid madaxbanaan oo si dhab ah ula xisaabtamaysa, hay'ad la dagaalanka musmaasuquna aanay ku dhici karin in ay baadhitaan ku sameeyaan.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Baashe Cumar qaato qandaraas aan bulshada la soo hordhigin, hase ahaatee waxa u dheer isagoo ka simay qandaraasayada qosykiisa iyo dadka ay isku haybta yihiin ee ay aad iskugu dhow yihiin mabda ahaan in la boobo hantida qaranka, waxaana ugu dambeeyey ka sokow kan uu qaatay iyadoo uu habro wadaagii run ah oo ay kala dhaleen laba walaalo ah ku noolaa dalka UK, isla markaana aan waligii arag Somaliland uu siiyo qandaraas qiimihiisa la afar-jibaaray oo ah dhigista cawska artigfiishalka ah ee garoonka kubada la dhigo, taas oo la dhigayo garoonka weyn ee Hargeysa Studium, qalabkiina uu hadda yaalo Berbera iyadoo dalka Shiinaha laga keenay isla markaana qaranka laga cunayo lacago ka badan saddex boqol oo kun oo lacagta Doolarka ah, Iyadoo waliba hore loogu diiday muwaadin ka soo jeeda xafada Qudhac Dheer ee magaalada Hargeysa - oo qurbejooga ah oo iyagu fikirka hore ula tegay wasiirka ciyaaraha balse uu ku wargaliyey in aanay dawladu dhaqaale u hayn, inkastoo ay intaa rubuc-nuskeed ay ugu sheegeen kharashka.

Hase ahaatee su'aash waxay tahay goorma ayuu haaka odhanayaa Baashe Cumar oo la ogyahay in uu dalka Somaliland u noqday meel sidii jeeb uu leeyahay goortuu doono iyo goobtuu doono gacanta galinayo. Waxa aynu eegnaaba cidhib xumada ay u reebto isaga iyo ubadkiisa boobka umada uu ugu dhaartay sodogii in uu daacad iyo si iimaan qab ah ugu maamulayo waxa yar ee soo gala, si kastoo uu qaranka ku soo galo.



Safiya axmed Faarax.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Nairobi,Kenya.